| Qaranka online Bogga hore/Home |
Somali links | Suugaanta | Somali Album | xiriir/contact |
Dowladaha Ethiopia iyo Kenya oo Soo Celiyay Siyaasadihii Ay Soomaaliya Kula Dhaqmi jireen Sanadihii u dhexeeyay 1995 -2005 ti Maxaase la Gudboon Dowlada Soomaaliya ?
The Qaranka online
Sida la wada ogsoon yahay Siyaasadaha u dhexeeya
Dowladaha Caalamka Kuma dhisna Naxariis iyo
Ficlal-Kheyr Sida Shucuubta iyo dadka Caadiga ah ka dhexeysa
Dowladna kuma Faraxdo horumarka Dowlad kale hadii ay
Deris la tahay ama ay jiraan khilaafaad u dhexeeyana kumaba
Sii jirto Sidaas daraadeed ayaana keentay maanta in
Dowlado Waxyaabo badan ku kala duwan Sida Fogaaanshaha dhulka ama ku kala duwan Diinta Midabka iyo Geografiga ay hadana waxyaabo badan ku midoobaan iyadoo ay danta
isu keenayso tahay kaliya in ay dowlado kale u midoobaan oo ay isla riixaan iyadoo laga yaabo in ay isla waxaas ku kala aragti duwan yihiin
inta badan wadamada Caalmakana waxay leeihiin Sirdoon Gudaha ah iyo Mid Dibdda qaabilsan oo soo Jaasuusa hadba wadan ay wadankiisa wax kala Dhexeeyaan
iyo Si mar walba looga digtoonaada dhibaatooyinka uga imaan karo wadankaas kale loona ogaada meelaha uu ka jilicsan yahay wadankaas ama nidaamkaas
Hadaan Tusaale u soo qaadana dad badan waxay arkaan in wadamada Israel iyo Masar ay yihiin kuwa isugu dhow marka la eego bariga dhexe hadana labadaas wadan inta
Sanad walba la qabta Sirdoon ka socda dhinaca kale oo ka dhex shaqeynaya wadanka kale tiro ma lahan isla Sanadkan ayay aheyd markii ay Maxkamad Mareykan ah
Ku heshay Dambi Jaasuus nimo Nin ka mid ahaa Madaxda ugu sareysa dhinaca Cilmi baarista ee Pentagon ka isagoo israel u Basaasaya Macluumaad khuseeya
Dagaalada uu mareykanka ka wado Ciraaq iyo Siyaasadaha Bariga dhexe ee Dowlada Mareykanka Sidaasoo uu ku Muteystay Xabsi iyo Cuquubo adag taasoo ku tuseysa in aanay
Siyaasadu Saaxib iyo Kalsooni midna laheyn iyadoo ay Caalmka intiisa badan aaminsan yihiin ama ku eedeeyaan in ay israel ku jirto oo kaliya Rabitaanka Mareykanka
Ayna tahay Dibiga Mareykan ugu deysayn bariga dhexe hadaan u soo noqdo ulajeedka Maqaalka oo ah Wadankeena Soomaaliya iyo Deriskiisa oo ah Kenya iyo Ethiopia
Waxaan dhihi karnaa Somaliya waxayba dhalatay oo ay Dowlad Calan leh noqotay iyadoo aanay raali ka ahenyn Ethiopia intaasna waxaa u weheliyay Dhul ay Somaliya leedahay
oo ay Xalaashatay Xabshida Somaliya oo huruda Markii ay soomaalida dhulkaas soo Xasuusatay ilaa maantana waxaa ka dhexeeya dagaal waligiis taqriiban inta
Aduunka ka dhiman Socon doona ha ahaado mid Xabbad ku socda oo dagaal ah ama ha ahaado mid Siyaasad ku sii socda waxaana Cad in intii Ay Soomaaliya iyo
Ethiopia ku dagaalameen Xabad iyo inta ay ku dagaalameen Xabad Siyaasadeysan ay kala badnaayeen oo ay yareyd inta ay Somaliya iyo Ethiopia ku dagaalameen
Xabad toos ah oo loo dagaalamayay Dhulkaas Maqan waxaana dhowr jeer badnaa in Siyaasad loo dagaalay ha ahaato dhowr iyo tobankii sano ee uu bur burka soomaaliya ka jiray
Ama ha ahaato Dagaaladii Jabahadaha ee ay labada wadan isku wadeen oo Jabhadii Xukunka ka qaaday Nidaamkii hore ee Ethiopiana waxaa taageeradeeda qeyb
Ka ahaa Dowladii Soomaaliya Jabhadihii riday Dowladii Somaliya oo ay ugu weynaayeen SNM USC SSDF na waxaa dabada ka riixayay Ethiopia waxa ay ku
Taageeraysayna ma aheyn jeceyl ay dadkaas u qabto ee waxay aheyd khilaafka dhuleed ee labada dal u dhexeeyay Maantana dhibaatooyinka ay Ethiopia nagu
Wado waa wixii ka dhexeyn lahaa laba dowladood oo is khilaafsan in kastoo aan anaga dowladnimadeeni burburinay Sidey ahaatab Ethiopia hadii
Dagaal looga soo Celiyo Dhulkaasna ka samri mayso haday Sidan ku sii haysatana Soomaali waligeed iloobi mayso iyadoo ay sidaas tahay ayay hadana Ethiopia laheyd
Siyaasad istraatiiji ah oo ka dhan ah Somaliya laheyd waligeed hadana burburkii Soomaaliya kadib gaar ahaan wixii ka dambeeyay shantii sano ee u horeysay
Qaran jabkii Soomaaliya Ethiopia way ku wareersaneyd waxa ay ka yeeli karto Wadanka Soomaaliya maadaama aanay Xog ogaal u aheyn Gudaha Dalka iyo Dadka
Soomaaliyeed oo ay markaas Mudo dheer ka soo dhexeysay Dowladihii ay kala hogaaminayeen Maxamad Siyaad iyo Mangisto Haile mariam oo ku Saleysnayd
Colaad iyo in Mucaarad la isku Soo hubeeyo oo kaliya hadaba 1990 ki Jabhadii qabsatay Addis ababa Ee Tigray waxay la Kowsatay ama la bilaabatay Burburka Dowladii Soomaaliya oo
Si weyn u soo gacan qabatay Jabhadaas waxayna bilaabeen isku daygii ahaa in ay dhisaan dowlad
Soomaaliyeed oo ay ugu yaraan abaalgud uga dhigi karaan Soomaaliya isuna muujiyaan Tigreegu in
Aanay iyagu la mid aheyn Maamulkii Amharada ee ka horeeyay Colaadihii horena Sidaas lagu daboolo
Dadka Siyaasadaha Geeska indha indheeyana waxay qabeen in hadii ay Soomaaliya Dowlad xoogan ka jiri laheyd
Waqtigii ay Tigreega Xukunka la wareegayeen la heli lahaa Xal waara oo dhameystira Arinta Dhulka Soomaalida
Ee ay Ethiopia haysato imaa in loo soo celiyo soomaaliya wa imaa Si kale oo ay Soomaalidaa raali
Ku tahay Arinkan oo ka mid ahaa Shuruudihii ay Dowlada Soomaaliya ku taageeri jirtay Jabhadii
Melez Zenawi Xiligii uu jabhadeynayay ee uu Kaalmada ka heystay Soomaaliya isku soo wada duuboo
Ethiopia wixii ka dambeeyay 1995 ti waxay qaadatay Siyaasad ah in Soomaalida iyada la isku mashquuliyo la is nacsiiyo
Gobol gobolna loo kala qeybiyo si aanay u soo bixin qolo yeelata hadaf ka baxsan gobolkeeda sidaasna
Ugu dambeyn ay Ku lunto Qadiyadii Dhulka Soomaaliyeed Arinkaasoo socday mudo dheer oo toban sano ka badan
Ayaa is badalay kadib markii ay soo shaac baxeen Kacaankii Maxkamadaha 2005 ti kaasoo badalay istaraatiijadii Ethiopia
iyadoo Xiligaas ka faa,ideysanaysay waxyaabo badan oo Caalamka ka jiray iyo Siyaasad dibadeed la,aan haysay
Maxkamadihii Qaabka qabiil ku kacay ayay Ethiopia Jaanis u heshay in ay ku soo duusho Soomaaliya
Ayna burburiso Kacaankii Maxkamadaha dad badan waxay aamin sanaayeen in ay Ethiopia u soo
Duushay oo kaliya islaam neceyb balse arinka Ma aheyn sidaas ee waxay Ethiopia ka baqeysay ama rumeysnayd
in ay tahay burburkii Qoqobnaata Soomaaliya oo ay ka soo shaqeynaysay 10 sandood ayna Suura gal tahay in
Ay dhalato Dowlad Soomaaliyeed oo ku hana qaada ama ku dhisanta iyadoo Col iyo Cadaawad la ah Ethiopia
Si aanay taas u dhicinna waa tii Ethiopia ku bixisay Dhiig badan Dhaawac iyo dhimasho socotay laba sanadood
intaas kadib markii ay aduunyada ku kala qeybsantay dhibka Soomaaliya Ethiopia waxay ogolaatay in ay
Wadanka ka baxdo Dowlad ay hogaaminayaan dadkii la dagaalamayna la dhiso Xiligaas Ethiopia waxay aaminsaneyd
in ay tahay wadada kaliya ee ay ku badbaadin karto Magaalooyinkeeda iyo Xuduudaheeda
Maadaama ay Siyaasiyiin badan Saadaalinayeen Hadii ay ethiopia ka baxdo wadanka Soomaaliya iyadoo aanay jirin
Dowlad ama heshiis fiicanoo ka reeba Kooxaha Dagaalka wada aysan ku nabad gali doonin ilaa Adis abbaba
Arinkaasoo ay qabeen dad badan lana filayay in ay noqon doonto bilowgii bur burka Ethiopia Bishii Januar ee Sanadkii 2009 ki
Ayay aheyd markii ay ka baxeen Ciida Soomaaliya Ciidankii u dambeeyay Ethiopia wax ka yar Sagaashan habeen kadibna
Waxaa bilowday dagaalkii Muqdisho iyo kooxihii Dhinaca ka wada jeeday oo isu noqday Cadowga koowaad
Hal maalina ma dhicin wax Ethiopia Cabsi gelin kara oo ka yimaada Kooxahaas iyaga is Cunaya intaas kadibana
Waxaa bilowday in ay Xabashida Soo Celiyaan istraatiijiyadii hore ee aheyd in ay Soomaalida isku Mashquuliyaan
iyagoo qolo kasta u tusaya in ay kala shaqeynayaan Sidii xal soomaaliyeed loo gaari lahaa waxayna bilaabeen
Abaabul Magacyo ay ka mid ahaayee Kooxaha la magac baxay Ahlu-Sunna waxay aruuriyeen Hogaamiye kooxeedyo
Ay ka mid yihiin Hiiraale oo xataa la isku dayay in loo sameeyo laan ahlu-Sunna in kastoo lagu fashilmay
Dabageed Saran Soor iyo kuwo kale oo badan waxayse markan uga duwan tahay Siyaadii horeee
Sagaashamaadki in la leeyahay Kooxahan oo dhan waxay aqoon san yihiin ama taageersan yihiin
Amaba ka mid yihiin mararka qaar Dowlad KMG ka ah hadana aanay ka amar qaadan oo ay yihiin Kooxo
Ka idman Addis-ababa hadaan u soo leexano dhanka Kenya Kenya waligeedba Fara gelin Ciidan Soomaliya kuma laheyn balse Siyaasad hoose
oo aan marnaba ogoleyn Dowlad Soomaaliyeed ayay dheelaysay Sida la wada ogyahay waa Mid ka mid ah
Labada Wadan ee ay nagala dhexeso khilaafka dhuleed balse nuusan naga dhexeyn dagaal la mid ah kan
Ethiopia balse waxaa la dhihi karaa waa ka qatar san yahay kan nagala dhexeeya Ethiopia waayo Kenya
Waxaa hore looga hayaa in ay Madaxdeeda ugu sareysa Fagaare ka sheegeen in aanay dan u aheyn Kenya
Soomaaliya oo Nabad iyo Dowladnimo hesha Kenya waxay ku dhisan tahy dhaqaale ahaan iyo Siyaasadba
Dagaalada Abaaraha iyo Khilaafaadka ka taagan Geeska Afrika Sida Ethiopia Koonfur Sudan Congo Ugandha iyo
Soomaaliya oo u ah Dakhliga ugu weyn ee ay 19 sano ku Xisaabtameysay waxaa la qiyaasaa in Dekeda Mombasa
Lacagta Sanadki soo gasha aanay Soo galin marka la isku daro dhamaan Dakadaha Djibuti Barbara Bosaso
Muqdisho iyo Kismaayo Kenya waxaa dagan dhamaan Hey,addaha Maamula Koonfur Sudan Somaliya oo dhan
Waqooyigeeda iyo Koonfurteeda Kenya waxaa ka diiwaan gashan Boqolaal Kun oo qaxooti Soomaaliyeed ah oo
Ay UN ka lacago uga qaadato Kenya waxaa ku Socda Dhaqaalaha Ganacsatada Soomaaliyeed oo nooc
Walba leh Marka hadii nin Soomaali ah oo guri dowladeed Xamar ka dagan uusan ogoleyn in ay Nabad soo dag dagto
Kenyana Ma Sugeyso Dowlad Soomaaliyeed oo ku dhalata Xisaabta Kenya iyo dhaqaalaheeda Boqolaalka
Hey,addood ee Kenya Xafiisyada ku lehna u soo rarta gudaha Soomaaliya ama Joojisa Raashiinka Gargaarka
Ku magacaaban ee Mombasa ka dagana Muqdisho iyo Barbara u soo wareejisa Diyaaradaha
Maraakiibta iyo Guryaha Kenya ka ijaarana Fasaxdo ma ogolaanayso Sidii ay u daciifin laheyd Dowlad
Kasta oo Soomaaliyeedna waxay u mareysaa hab Sakiimo qarsoon leh oo aan Sida Ethiopia oo kale aheyn
Hadaba Maxaa la gudboon Dowlada Sh Shariif
Dowlada Sh Sharif iyo Cumar Cabdi-Rashiid waa in ay ogaataa in ay leeyihiin Waqti gaaban Xilka ay
Hayaana uu dad badan soo maray Meelaha ay maanta kala joogaana la ogyahay Qof walbana uu umada u reebay
Taariikh ha xumaato ama ha fiicnaatee iyagana sidaasoo kale ayay reebi doonaan taariikh xun ama mid fiican
Mida ay iyaga sameystaan waa in ay ogaadaan in Cadowgooda koowaad ama kan Soomaaliyeedba uu yahay
Dowladaha Deriska la ah Soomaaliya Cadow markaan leeyahay Ma ahan kan ay Difaac Xabbadeed oo kaliya kaa celiso
balse waa kan loo yaqaan Ninka baadida kula Doonayana ee daalna kaa badan inaad heshana aan ogoleyn Ethiopia
Sidaan hore u soo sheegnay waxay Qorsheynaysaa isku dayo marka dusha laga eego u muuqda in ay Colaad u hayso
kooxaha Mucaardka ah ayna la jirto Dowlada KMG ka ah hadana howlada ay Ethiopia ka wado dhamaan gobolada dhexe iyo
Xuduudaha dhinaca Koonfureed waxay Muujinayaan in aanay Ethiopia diyaar u aheyn in ay hana-qaado Dowlad Soomaalyeed
oo hal meel kala Xariirta Deriskeeda iyo Aduunka dhinaca kalena Kenya waxay ku jirtaa Siyaasad ishaafalateyn ah oo
Aan marnaba u adeegaynin dhalashada Qaran Soomaaliyeed oo garab istaaga waxay dad badan shaki ka qabaan in
inta badan Ajaanibta Soomaaliya ka dagaalanta ay soo maraan Kenya dhaqaalaha iyo Hubkana la soo marsiiyo maadaama
la ogsoon yahay in ay dhinacaas aad uga jilacsan yihiin Ethiopia oo aan Sababo badan macquul u aheyn in ay dad caddaan ah
Soo dhex maraan soona galaan Soomaaliya dhinaca kale diyaaradaha ugu badan ee la kireysto waxaa leh Kenyaati
Marka waxaan Soo jeedin lahaa in ay Dowlada Soomaaliya Si Caddaan Ah ula fariisato labadaas Dowladood lana
Waydiiyo Siyaasada kama dambeysta ah ee ay ka leeyihiin Wadanka Soomaaliya iyo Dowladiisa dhinaca kale waa in
Dowladda Soomaaliya lagu soo Daraa Wasiiro iyo Madax Waaya Arag ah leh Khibrad siyaasadeed oo ay kula
Xisaabtami karaan labadaas Dowladood oo ay Ama Hogaamiyaan ama la taliyaan Dad Siyaasada waqti aad u dheer
Ku soo jiray Matalan hadaan soo qaadano Kenya waxaa Madaxweyne ka ah Kibaki oo 1963 markii ay Xornimada qaateen
Wasiir ahaa ilaa hadana ku soo jiray Siyaasada Kenya Xog-ogaalna u soo ahaa dhamaan Xilaydii ay Dowladaha
Kenya iyo Soomaaliya Ku Xafiiltami jireen Xadka iyo Qadiyadda Gobolka NFD maanatana lama tartami karo Nin
Siyaasada Ku Cusub ama dhalin yaro ah oo waliba aan laheyn Seystem taariikheed oo ay Dowlad uga tagtay Marka
Waxaan mar labaad ku talin lahaa in ay Dowlada Magacaabato Dad odayaal ah oo ka soo shaqeeyay Dowladihii hore
Lana fil ah dadka Hogaamiya Dowladaha Deriska Maadaama ay Soomaalida Ku Maah-maahdo Lafa Jin Ah Ayaa Jikaartama
Waxaa kaloo jira Maah maah Carbeed oo leh Hadii aad Xaqaaga Ka Tagto waqtiga Aad Daciifka Tahay Ma Heleysid Markaad Awoodiisa Yeelato
Marka Dowladda Waa in ay ula Dhaqantaa Dowladaha Deriska ah Sida iyadoo Wadanka Xuduudihiisa oo dhan
Gacanta ku heyso Wax kasta oo wadanka khuseeyana waa in iyada loo soo maraa Sida Qaanuunka ah
Qalinkii C/raxmaan Maxamad
Qaranka online
|