| Qaranka online Bogga hore/Home |
Somali links | Suugaanta | Somali Album | xiriir/contact |
Shiikh Shariif Ma yahay Ruux u qalma Jagada uu hayo ! !!!
The Qaranka online
Faallo Xaqiiqda ku saleysan
Waxaan innaba ii cuntameyn oo waqtigan xaadirka ah igu adag inaan madaxweyne ugu yeero Ruux aan jaha uu u socdo meel uu ka sii jeedo aan la garaneyn, ruuxaasi waa Shariif Shiikh Axmed oo aan aad u taageersanaa markii jagadaas loo dhaarinayay walow aan ka sii jeclaan lahaa inaan arko Nuur Cadde oo aan si aan gabasho laheyn ugu endorse gareynay Boggaan MudugNet inuu yahay Ruuxa kaliya ee Ragii Jabuuti tagay ee xilkiisa gudan karo.
Xilka waa la qaban karaa waxaase su'aashu tahay ha la qabto ma xumee hebelow ma gudan karaa?
Dhanka shiikh Shariif waxaa noo cadaatay inaanu marna gudan karin Xilka Madaxweynenimada isla mar ahaantaana ay ku gaaf wareegsan yihiin rag aan innaba wax wadaniyad ah ama Aadminima ah aysan ka muuqan.
Akhristayaalow hadaan khaldanahay i qabta eedeyntaan aan Shariif Shiikh axmed u soo jeedinaayo waa mid ku saleysan kaliya dhacdooyinkii Dhacay Bishan November ama ha ahaato mid uu afkiisa ka yiraahdo ama mid uu ficil ahaan gabay inuu wax ka qabto ayna ugu dambeysay mid aan ku soo qaadanay warkii maanta oo uu oranaayo : Riix halkan hoose
" Somalida Canada Carruurtooda ha ka ceshtaano dagaalada Somalia".
Shariif Khaladkiisu wuxuu yahay :
Wuxuu u muuqdaa nin isaga laf ahaantiisu xushmad weyn u hayo AlShabaab oo aan anagu nahay ragii u horeeyay oo ugu yeera AlHabaab iyo Alshabaab u shayaadiin Misna Shariifku isagoo aad mooddo inuu u digayo Soomaalida Canada ayuu waxa uu uga digayay u qurxiyay oo uu ku magacaaway Xarakatul Alshabaabul Mujaahidiin ! wal ciyaadatu billaahi.
Hal ha la iga gaarsiiyo Shariif Canada iyo Soomaalida joogtaa waa kaa caqli badan yihiin kaa aqoon badan yihiin Al shabaabna waxay u arkaan Ururu argagixiso oo Jahaad iyo Janno aan agtooda oolin waana Jahanama galooyin Adiga iyo ina Daahir Aweys na waa ku wehlin doontaan Jahanamada, waxaana tusaale kuugu filan neef yahow neefku dhalay Booliska Canada hadaad wacdid oo tiraahdid ninkaani wuxuu taageeraa Alshabaab ilbiriqsi gudahood ayaa xabsi loogu taxaabayaa waxaana looga aqoonsan yahay Canada Ururu Argagixisa ah Bacdamaa ay qirteen iney Alqaacida la xulafa yihiin, waxaan fahmi la' ahay waxa kaa hortaagan inaad ugu yeerto argagixiso Argagax ha ku galee!
Weerarkii Afka haa ee uu Shariif ku qaaday Culimada Ahlu sunna wal Jamaaca :
Aan Su'aal is weydiiyee sidii ruux la maray Horta yeey la dagaalaan ahlu sunna? Waxay la dagaalaan waa kuwa magaca Diinta Islaamka ku cayaara ee Alshabaab iyo Xisbul Shayaadiin.
Shariif Su'aal kale ha la iga gaarsiiyo weli ma dhacday Ahlu sunna oo weeraray ciidamada Dowladda , waxay ku jiraan Jihaad ay naftooda kaga badbaadiyaan kuwa baadiyeysan oon Ilaah iyo Rasuul toona aaminsaneyn hadaad shalay xulafa la aheyd shariif Madoobow xilligu waa is badalay, waxaana naxdin igu noqotay markii uu idaacadaha ka waramay Yuusuf Indhacadde oo Shariif difaacaaya oo leh annaga oo dhan Ahlu sunnaa nahay waa arin mudan qoraalkeeda gaar ah Aaway afhayeenadii kale.
Geeridii Naxdinta laheyd ee Macallin Nuur Maxamed Siyaad Naxariistii janno Allaha siiyee iyo Aaskii Qaran ee loo sameeyay .
todobaadkii hore ayay aheyd Markii Macallin loo sameeyay Aas qaran aaskaas qaran kama soo qeyb galin Shariif Madoobe oo waddanka ugu magacaaban Madaxweyne, ceeb ma laha oo Dhimasahaduu ka baqayaa waxaana hubanti in Qubuuraha tareedishho ( km 13 )la weerari lahaa haduu shariifku ka soo qeyb gali lahaa Aaskaas.
Waxaase is weydiin leh maxaa u diiday inuu shiikha ehelkiisii uu tacsi u diro ama umadda Soomaaliyeed oo uu jahliga kala dagaali iray kuna dadaali jiray Fidinta Diinta Islaamka iyo furitaanka Dugsiyada Qurąanka.
Waxaa xusid mudan in Sheekh Shariif ka aflaxay dugsiyadii Macallin Nuur mid ka mid ah, markii dambana uu kabiir ka noqday!
waxaa hubanti ah hadii Maxcalinku Geeriyoon lahaa xilligii Maxamed Siyaad Barre in Madaxweynihii Xilligaa uu ka qeyb gali lahaa Aaskaas nasiib darro ma oran karo sidoo kale Cayayaanadii ka dambeeyay Maxamed Siyaad Shariifkuba ha ku jiree!
Shariif inaad Bidci tahay , Itixaad xulafo la tahay Alshabaab shirka la tahay Sheydaan iyo Shirka cuudu billaah kuu sheekeeyaan, Shariif Sakiin Sixir kuu walaaqay intaba waan ogsoonahay waxaad u baahan tahay Qurąan saar ama foolka in dab lagaaga dhajiyo.
Hadalkaan culus oon kor ku soo xusay waa mid aan aad uga fiirsaday Mana ahan inaan Ahlu suna u haayo Jaceyl gaar ah ama Itixaad iyo Al habaab necbahay waase hadal xaqiiqa ah jawaab ninkii ka bixinaayana ha igu soo hagaajiyo waa ballan inaan soo galinaayo.
Weliba waxaan fureynaa Bog gaar ah oo ku qoreyno wax wanaag ah hadeey jiraan oo uu Shariif Shiikh Axmed sameeyay kolleey aniga ma ogi inuuba wax wanaag ah qabtay inuu ka daray maahee!
Faaladeydaan aan ku soo gunaanado Hees Duca ah oo Abwaankii weynaa, Mulaxankii Qaranka , Fanaankii weynaa Cabdillaahi Qarshe ugu duceeyay Umadda Soomaaliyeed.
Heestii Rabiyow Raxmaanow Soomaalidaa u roonow - Dhageysi Wacan
Ilaahow Laashinkana Dambigiisa Dhaaf, Tolkiis waa ka eeynaadeene ! waa ina Baahalow ee.
Laashin Abtidoon aw-Baahalow
Qaranka online
|