| Qaranka. com Bogga hore/Home |
Somali links | Suugaanta | Somali Album | xiriir/contact |
|
Alldalka
Waxaad hoos ka akhrin doontaa tarjumaadda afka Soomaaliga ee heshiiskii ay ku wada gaareen boqortooyada Ingriiska iyo tii Talyaaniga London July 15, 1924kii. Heshiiskan ku saabsanaa wareejinta Jubbaland Ingriisku ku wareejinayey Talyaaniga waxaa qoraal rasmi ah ka qoray Her Majesty's Stationery Office (H.M.S.O). Sidoo kale sida uu sharaxayo masawirka hoose oo ay diyaarisay mareegta Somalitalk, waxaad si dhab ah u xaqiiqsanaysaa in heshiiska qoraal ahaan iyo masawirku ay isku si u cabbirayaan halka uu dhaco xad-badeedkaa Soomaaliya la leedahay Kenya. Marka la eego heshiiska Ingriiska iyo Talyaaniga iyo sidoo kale masawirka hoos ka muuqda, dawladda Kenya xaq uma laha in ay qalloociso xuduud badeedka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya; Sidoo kale xaq uma laha dawladda Midnimo Qaran in ay tanaasul ka samayso hantida badeed ee umadda Soomaaliyeed.
Heshiiska C/Raxman C/Shakuur, wasiirka qorshayntu uu la saxiixay wasiirka arimaha dibadda ee Kenya, Moses Wetangula, wuxuu ka dhigan yahay iyada oo Dawladda Midnimo Qaran ay ogolaatay in aanay waxba ka qabin haddii Kenya ay dacwo sheegasho ah ka qabto gobolada Jubbaland ee Soomaaliya, tusaale ahaan kuwa xadka la wadaaga Kenya ee Gedo iyo Jubada Hoose sidii aan horay u xusnayba.
Waxaa xusid mudan in dhul-badeedka dawladda Kenya ay boobayso, oo bedkiisu yahay 116, 000 sq km ayna u xalaalaynayaan shakhsiyaad ka mid ah Dawladda Midnimo Qaran uu bed ahaan ku dhow yahay bedka lix gobol oo ka tirsan gobolada Soomaaliya oo kala ah: Hiiraan (34333 Sq km), Bakool (25932 Sq km), Sh/hoose (25895 Sq km), J/dhexe (18898 Sq km), Sh/dhexe (18631 Sq km) iyo Banaadir (238 Sq km ) oo bedkoodu yahay marka la isku wada daro 123927 sq km.
Heshiiskii oo aan Af-Soomaali u Rogney:
"Sharaftiisa (His Majesty) boqorka Boqortooyada Midoowdey ee Britain iyo Ireland iyo dhulka ingriisku maamulo ee badaha gadaashooda ah, (ahna) Boqorka India, iyo sharsftiisa boqorka Talyaaniga, waxay doonayaan in ay hagaajiyaan/saxaan, niyad wanaagga cilaaqaadka wanaagsan, (ee labada boqortooyo), su'aallo cayiman oo khuseeya xuduudaha labada boqortooyo ee Bariga Afrika, waxay magacaabeen wakiiladooda:-
Sharaftiisa boqorka Boqortooya Midoowdey ee Britain iyo Irland iyo dhulka ingriiska maamulo ee badaha gadaashooda ah,(ahna) Boqorka India: Mudane James Ramsay MacDonald, M.P., Ra'isal wasaarihiisa iyo Xoghayaha Arimaha Dibadda; iyo
Sharsftiisa boqorka Talyaaniga: Mudane II Marchese della Torretta dei Principi di Lampedusa, safiirkiisa khaaska ah iyo wakiilkiisa maxkamadda St. James; kuwaas oo, iyadoo la muujinayo awoodahooda siday isugu xigaan, waxay wada gaareen qodobadan soo socda:-
Q. 1) Sharaftiisa British-nimo, magiciisa, iyo isaga badalkiisa iyo sababta maxmiyaddiisa Zenzibar magaca iyo isaga oo bedelkiisa ah sareeye Suldaanka Zanzibaar, illaa hadda kan dambe (Suldaanka) ay khusayso, wuxuu (boqorka Ingriisku) ku wareejiyey Sharaftiisa boqorka Talyaaniga xuquuqdii dawlad nimo, iyo xaqqa sharci dhulka Afrika ee dhaca inta u dhaxaysa dhulka Soomaaliya ee Talyaanigu gumaysto iyo khad xuduudeed cusub oo loo go'aamin doono sidan:-
Halka labada webi Ganaane iyo Daawo iskaga daraan (Geed weyne) (xilligan dhulkan wuxuu ku yaal waqooyiga gobolka Gedo-Soomaaliya), illaa jihada wabiga yar ee Daawo (wabi Daawo wuxuu maraa B/Xaawo iyo Doolow/Gedo-Soomaaliya) laga gaaro fiiqa koonfureed ee leexadka webi Daawo qiyaastii Malkareey (Waxay qiyaastii 3 km waqooyi kaga beegan tahay B/Xaawo, Gedo); halkaas (Geed-weyne/Gedo) laga soo bilaabo iyadoo la soo raacayo jihada Koonfur-galbeed jid toosan, iyada oo la soo abaarayo bartamaha baraagta Dhamase (waxay u dhaxaysaa B/Xawo iyo Ceel-waaq/Gedo-Somaaliya); halkaas (Dhamase) laga soo bilaabo iyadoo la soo raacayo jihada Koonfur-galbeed, xariiq toosan, meel ku aadan Eilla Kalla (Ceel-qaalow/Kenya) (tan oo ah dhulka Ingriiska u haraya) oo ka xigta dhig-dhexada dhinaca bari; laga soo bilaabo halkaas iyadoo loo raacayo dhig dhexada dhanka koonfureed illaa ay ka gaarto xuduudda u dhaxaysa Jubbaland iyo Tanaland; laga soo dhaqaaqo xadkaas iyadoo la aadayo dhinaca xeebta , laga sii aadayo jihada galbeed jasiiradda koonfurta ugu xigta afarta jasiiradood ee yar yar (Lama Shaaqo) ee ku wareegsan Raas kiamboni ; laga dhaqaaqo halkaas iyada oo la aadayo jiho koonfureed lana aadayo dhinaca xeebta (badda Hindia). Ras Kiambone iyo afarta jasiiradood ee yar yar (ee ku wareegsan) ee kor lagu xusay waxay dhacayaan gudaha dhulka lagu wareejiyey Talyaaniga". "Ras Kiambone and the four islets above mentioned shall fall within the territory to be transferred to Italy" (Waxaan ku joojiney halkan tarjumaaddii heshiiska dhex maray Ingriiska iyo Talyaaniga July 15, 1924).
F.G: Waxaa la socdey qoraalka heshiiska ah khariidad muujinaysa dhulka Ingriisku Talyaaniga ku wareejiyey; balse wali waan ku daba jirnaa in aan soo helno. Qoraalka heshiisku wuxuu xusayaa in haddii khariidadda iyo qoraalka heshiisku is khilaafaan, qoraalka heshiiska la qaadanayo.
F.G: Qoraalkan loo tarjumey afka Soomaaliga waxaan soo gudbin doonnaa haddii Alle idmo isaga oo asalkii ah, kuna qoran luuqadda English-ka, sidii xafiiska Her Majesty's Stationery Office (H.M.S.O) uu u qoray May 1, 1925.
F.G: Xuduuddan aynu kor ku soo sheegnay ee Ingriisku Talyaaniga ku wareejiyey July 15, 1924kii, waxaa Talyaanigu uu ku wareejiyey Soomaaliya markii ay xoriyadda ka qaadatay July 1, 1960kii. Sidaas ayayna uga dhacday dawladdii u dambeysey ee Soomaaliya Jan 31, 1991.
F.G: Afarta Jasiiradood ee heshiiska Ingriiska iyo Talyaaniga ku xusan iyo waliba Ras Kamboni waxay ka muuqdaan masawirkan hoose, isla sida heshiisku u sharxayo. Waxaad u jeedaan in sida heshiiska ku qoran khadka xadku uu marayo dhinaca Koonfureed ee Jasiiradda Koonfurta ugu xigta jasiiradaha yar yar ee Lama Shaaqo. Sidaas darteed waa in dadka Soomaaliyeed aanay ogolaan in baddooda qayb muhiim ah la jabsado sidii horay dhulkooda loo jabsaday.
F.G: Heshiiska waxaa ku xusan afar jasiiradood; ha yeeshee jasiiradda geeska ugu xigta ee heshiisku tilmaamayo waxay qiyaas ahaan le'eg tahay 50 m; iyada ayuuna xad-badeedku Koonfur kaga toosan yahay. Waxaa dhici karta in labada jasiiradood ee koonfurta ugu xigta uu heshiisku hal ka soo qaaday.
Alldalka Contact Qaranka.com Email: ahassannn@yahoo.com |