| Qaranka. com Bogga hore/Home |
Somali links | Suugaanta | Somali Album | xiriir/contact |
|
Farah Aw-Osman Dhagarta Itoobiya, Dhalanteedka Jabuuti iyo Dharbaaxada Al-Shabaab
Muddo laga joogo dhowr bilood ayaan soo bandhigay maqaal aan ugu yeeray Burburka TFG kadib maxaa dhici doona? anigoo maqaalkaas faalo dheer kaga baxshay asbaabta keenay burburka TFG-da , iyo anigoo gaba-gabada maqaalkaasi ku odorosay sadex arimood oo aysan ka fursanayn in midkood dhacdo.
Kuwaas oo kala ahaa:
Muddadii aan maqaalkaas qoray kadib waxaa dhacay isbadalo badan oo saamayn ku yeeshay awooddaha siyaasadeed iyo milatari ee Soomaliya.
· Sida Is casilistii Cabdullahi Yusuf: Bilowgii burburka TFG
Dhamaan arimahaas kor ku xusan waxay saamayn ku yeesheen dhabarjabna ku noqdeen Shirka ka socda Jabuuti kaas oo dad badan ay ka dahsoon tahay xaqiiqadiisa dhabta ah.
Dhalanteedka Jabuuti:
Ergayga Gaarka ah ee UN-ta: Mr. Ahmedou waxaa laga dhaadhacsay meesha soomaaliya ka quruntay oo hadii xal loo helo colaada Soomaaliya soo afjarmi karta waa Muqdisho, sidoo kale waxaa lagu yidhi qabiilka Muqaawamadu ka socdo , deegaan ahaana degan Muqdisho waa Hawiye sidaa awgeed hadii aad noo saamaxdid oo nagu taageertid waxaanu samayn doonaa xalin khilaafaadka dhexyaala beesha , sidoo kale waxaanu nabad ka dhalin doonaa dalka oo dhan laakiin shuruuda oofinta balantaani waa sidan:
· -In meesha laga saaro nabad-diid Cabdulahi Yusuf
Maraykanka: Waxaa laga dhaadhacshay in awooda habka lagula dagaalami karo loogana adkaan karo Al-Shabaab ay tahay in laga soo jaro Maxkamadaha , maadaama garabka uu hogaamiyo Shariifku aysan lahayn hadaf aan dhaafsiisnayn bixitaanka Itoobiya sidaa awgeed, kadib markii Itoobiya baxdo, dowlad ay ku midaysa yihiin Maxkamadaha iyo TFG la sameeyo, waxaa la bilaabi doonaa dagaal waji cusub kaas oo la mid ah kan lagula dagaalamay Al-Qaacidada Ciraaq, kaas oo ah waxa loogu Yeero “Surge”. Sidaa awgeed waxaa maraykanka lagu yiri cida degan Muqdisho maanta waa anaga sidaa awgeed waxaan kuu balan qaadaynaa hadii aad hadafkaan iyo siyaasadaan cusub nagu taageerto inaan dagaal ku qaadno Al-Shabaab , u diidno hoy ay ku dhuuntaan, soo qabano dadka ajaanibta ah ee aad danaynaysaan. Sidaa awgeed, maraykanku wuxuu istusay dagaal aan cidi uga dhimanayn, Cadowgiisiina lagu jabin karo, sidaa awgeed taageero buuxda ayuu siiyay shirka Jabuuti.
Jabuuti: Ismaaciil Cumar Geele waa nin maskax ganacsi leh, meeshii shilin ku jiro aan loo tilmaamin, maslaxado kale ee isxulafaysi iyo ahdaaf intaa ka wayn leh, sidaa awgeed waxaa is tustay shir UN iyo beesha caalamku lacag ku bixin doonaan, maadaama isaga marti loo yahayn uu talo ku yeelan karo, dantiisa shakhsiyadeed iyo aragtidiisa siyaasadeedna ku oofsan karo. Sidoo kale wuxuu istusay in maadaama dakad wayn uu maanta haysto , ciidankii Maraykankuna Xarun ku leeyihiin dalkiisa in Jabuuti noqon doonto xarun loo isticmaalo ladagaalanka Burcad badeeda, Dib u dhiska Soomaaliya, taas oo suuqa ka saari karta dulaalayda Nairobi fadhiya sida UN iyo NGO kaleba.
Hadaba akhristow waxaa iswaydiin mudan cida lagu heshiisiinayo shirka jabuuti, waxaa kaloo iswaydiin mudan raga shirka jabuuti fadhiya awooda ay ku gorgortamayaan waxa ay tahay iyo meesha ay taal, maadaama aysan jirin goob ama buqcad ay ka taliyaan TFG iyo ARS labaduba. Dalkii la oran jiray Soomaliya maanta waxuu u qaybsamay sadex aag oo an ka kala taliyaan Somaliland (waqooyi Galbeed) , Puntland (waqooyi Bari), Al-Shabaab oo ka talisa Koonfurta Soomaaliya.
Kolkaa waxaa iswaydiin mudan cida Jabuuti ku shiraysa dadka iyo deegaamada ay matalanaa, kol hadii Somalialand qaadacday shirka, Puntland cadaysan inaysan goobjoog ahayn sidaa awgeedna ay ka soo horjeedaan waxkasta oo ka soo baxa, Al-Shabaab qaadaceen qoortan u dheerayn doonaan waxa ay ugu yeereen caamiliinta ridowday.
Dhagarta Itoobiya Itoobiya:
· Iyagoo og bixitaankooda ka dib in Al-Shabaab qabsan doonto goobkasta oo ay ka baxaan
Ayay goŕansadeen inay iska dhigaan wax baxay balse kulaalaan xuduuda Soomaliya, iyagoo rajo ka qaba inay dhici doonto sidan:
· In kadib marka Al-Shabaab la wareegaan awooda koonfur Soomaaliya , ay weerari doonaan Ciidamada Africaanka ah , taasna sabab ama fursad soo noqosho u noqon doonta Ciidamada Itoobiyaanka iyo Xulafadooda Hororka ah ee Dagaal oogashaaya
Xalka Soomaaliya waxaad moodaa in samada lagu laahay, dad geelooda cirka lagu maalayana arintooda Alle ka dhigay. Balse waxaa hubaal ah in hadii ay Al-Shabaab cayaaraan takhdiid ama taatiko siyaasad iyo feejignan leh inay noqon karaan awood Soomaaliya ka samata bixin karta dhagarta cadowga isbiirsaday ama ha noqondo midka Jabuuti shirku sheega ka wada ama ha noqdo Siyaasada guracan ee Itoobiya iyo beesha caalamkač.
Sidaa awgeed waxaan is leeyahay hadii ay khaladkooda saxaan Allaha wayna uga toobad keenaan , shacabka Soomaaliyeed hortiisana raaligelin ka sameeyaan qirtaana khaladkooda, sidoo kale Talo galiyaan Culimadda, Soo dhaweeyaan Odayadda , indheergaradka iyo dhamaan xubnaha kala duwan ee bulshada, dadka ay deegaamadooda ka taliyaan taladda wax ka siiyaan, meelaha maamuladdu ka jirona wadahadal iyo wax wadaqabsi la yeeshaan , waxaa dhici kari lahayd inay shacabka Soomaaliyeed ee Qabyaaladda iyo Qaxarka dagaalku dulaystay ay ka saaraan dhibaatada una horseedaan cadaalad iyo wada noolaansho samata bixin kara Mustaqbalka Jiilka danbe.
Hadiise madax adaygii, is mahadintii, kaligii Muslimkii, kaligiis Wadaadkii, iyo kaligiis wax garad la yimaadaan waxaan qabaa inay soo dedejin karto jabkooda iyo burbur aysan ka soo waaqsan kaas oo Soomaaliya u horseedi kara dagaal Huwan magac diimeed oo lagu hoobto, iyo in Itoobiya dalka ku soo laabato iyadoo adeegsanaysa caamiliin aan dad iyo dal u aabayeelayn, taas oo dhalin karta dhamaadkii wax loogu yeero Soomaaliya.
Imisa Dal iyo Dad ingaa awood , caqli iyo cilmi badnaa oo ifka saarnaa ayaa maanta noqday taariikh la soo dhaafay oo laga sheekeeyo. Bal dib u yara jaleec, Rooma, faaris, faraaciintii, maaya iyo xadaaradihii kale ee dunida soo maray. Walee wadadii ummaddihii inaga horeeyay ku hoobtaan, kuna hungoobeen ayaynu haynaa hadii aan la is daba qaban oo aan caqligu ka awood badnaa caadifada qabiilka iyo jahliga, danta guud laga hormarin midda gaarka ah ogaada taariikhda ayaynu baal madow ka geli doonaa dadkeenuna ku danbayn doonaa tiih iyo qaxootinimo ciribteeda tirtirta.
Farah Aw-Osman,
awosman@gmail.com Contact Qaranka.com Email: ahassannn@yahoo.com |