Hooyo Gabadheeda kala dar daarmeesaa habeenka aqal galka gabadheeda (Dar daaran xiiso badan). Hooyo ayaa gabadheedii la fariisatay inta aynan guriga habeenka koowaad ee aroos-ka ah la geeynin , waxaana ay u sheegtay dardaarankani. Waxaana hooyada ay ku tiri gabadheydiyeey hadii aad iga aqbasho dardaarankan aan kuu hayo waad ku guuleysaneysaa guur-kaaga.
Marka hore , waxaad ogaataa inaad ka baxday nolol una baxday nolol kale , kan tagtay guri una guurtay guri kale , waxaad noqotaa sidii hirar-ka badda oo dabeyluhu ay rog rogayaan , waxaad-na iga fahamtaa ereyadan aan ku leeyahay :-
Hadii uu gacanta kuu soo taago habeenka koowaad ee aroos-ka , waxaad u muujisaa dabacsanaan , deganaansho,farxsad iyo furfurnaan. Hadii mid ka mid ah garbahaaga uu qabsado , wax wal wal ah ha dareemin.
Gabdheydiyeey ogsoonow , in jaceylku uu ka yimaado qalbiga , ee u muuji jaceyl , una noqo qof daacad ah , amarkiisa qaado , wixii uu kaa diidana ka joogso oo ha mucaaradin fikirkiisa , hadii uu qaldan yahay si degan wax u fahamsii oo u sax .
Gabaheydiyeey .. u noqo ninkaaga hooyo dhanka xanaanada ah , u noqo sidii gabar walaashii ah oo kale oo guriga la joogta, u noqo xaas gogosha ku qancisa iyo gabar isaga adeecda oo kale , fadlan faraha hala gelin wax aanu adiga ku khuseyn ,waxaad-na ahaataa qof dhoolacadeyn badan.
Gabadheydiyeey ogsoonow , inaad waqti badan ninkaaga la noolaaneysid haduu allah ogolaado , ha noqoto maamo ama bil ama sanad , waxaa intaba waajib kugu ah inaad kula noolaatid naxariis , una hugi raaxo , waayo ninka xaaslaha ah sidaa ayuu aad u jecel yahay.
Gabadheydiyeey .. waxaad badisaa ereyada macaan aad isaga ku amaaneysid sida Amiir-keyga, dooqeyga , gacaliyaheyga,macaankeyga, raaxeeyihii nolosheyda,riyadii nafteyda,ruuxii qalbigayga,ilwaad-kii quruxii indhaheyga,xabiibii ,malabkeyga iyo ereyo kale oo soo jiidan kara .
Waxaad ogaataa in waxa ugu muhiimsan uu yahay in hadalka marka uu qalbiga ka soo baxo uu ku sii dhaco qalbiga kale , ee hadalka markii aad ku dhawaaqeysid u muuji daacadnimada jaceylkaaga , hana ku caasinin amarkiisa , oo had iyo jeer isaga ka fikir oo qura .
.. waxaa jira waqtiyo muhiim ah inaad ilaalisid.. Haku qaabilin caajis hadii uu kuu yimaado isagoo faraxsan, ha u sheekeyn hadii uu kuu yimaado isagoo careysan, hadii uu kuu yeerto haku celcelin hadalka , waxaan kaaga digayaa inaad ku qaabishid dharka kushiin-ka ee wasakhda ah ,
waxaad ku dadaashaa cadayga iyo nadiifinta afka iyo udoon-ka jirkaaga , mar waliba oo uu ku arko waa inaad ahaataa qof caraf badan.
Gabadheydiyeey waxaad dha dhansiisaa ninkaaga farxadda dhabta ah , waayo wuxuu kuu noqonayaa mid si aad ah kuu jecel , kuna dadaal qubeys-ka si aad u noqotid mar waliba qof diyaar ah , goor waliba oo aad aragtid inuu ku soo eegayo , waxaad ka dhunkataa labada bushimood, sidoo kale markii aad aragto inuu ku damcayo , isaga tag wixii howl ah oo aad horey u heysay , ee ku qaabil raaxo dhameystiran.
Gabadheydiyeey .. waxaad sameysaa wixii alle iyo rasuulkiisa ay ku fareen , hana ka tagin diintaada islaamka oo raali geli ninkaaga .
Gabdheydiyeey .. waxaad eeg eegtaa inta u dhaxeysa sankiisa iyo indhihiisa , waa inuu kaa carfiyaa udgoon fiican , indhihiisuna waa inay ku dhacaan oo ay qabtaan meel qurux badan oo jirkaaga iyo guriga ka mid ah, kana ilaali wax waliba oo uu ceebeysanayo.
Gabadheydiyeey .. hadii uu kuugu yeerto gogosha ama uu kaa dalbado , u dhowow adigoo aan diidmo ka muujineynin arrintaasi , waxaad-na tusisaa galmood-ka noocyadiisa kala duwan iyo albaabada raaxada si uu had iyo jeer kuu dalbado, hadii isaga aanu dooneyn isku tegidda (jamaaca) adiga jirkaaga u muuji , kana dhunko afka , si fiican iskugu duub jirkiisa , waxaad-na xilligaasi neefsataa neef dheer .
Hadii uu kuu soo galo isagoo murugeysan , ku qaabil dhar jirkaaga uu ka dhex muuqanayo , iskuna duub , oo labada dhaban ka dhunko , oo xod xodi laab laabatada jirkiisa , la cayaar , timihiisa faraha la gal, laabtiisa(xabadkiisa) kuna badi cayaarta si ay uga baxdo murugtii iyo ciilkii horey u hayay ninkaaga .
Jaceylka aad u qabtide seygaada xooji , wax waliba oo yar , misana weyn isaga kala tasho , weligaa wax sir ah haka qarin, waxaad iskugu kala badashaa noocyo kala duwan oo cayaar ah oo ay raaxo ku jirto si aaney maskaxdiisa ugu soo dhicin wixii horey isaga murugta u keenay.
Gabdheydiyeey ogsoonow.. markii aad isaga damacdid waxaad si fiican u eegtaa indhihiisa , waayo indhaha waa hogaanka ragga .
Ha uga sheekeyn wixii uu neceb yahay , hana ku qasbin fikir aad wadatid iyo waxyaabo uusan awoodin , waxaad ka dhigtaa ninkaaga ninka ugu farxadda badan dunida marka loo eego , waayo hadii gurigiisa uu ka shaqo tago aroortii hore isagoo weji caro ay ka muuqato taasi wanaag kuuma ahan .
Gabadheydiyeey .. ha badin jil jileeca iyo dabacsanaanta oo kolkii dambe uu kuu moodo qof duleysan oo nin waliba sidan ku qaabileysa marka uu guriga ka maqan yahay , hana ku badin faanka iyo ammaanta aad u jeedineysid oo kolkii dambe uu kuugu kibro , hana ku badin su’aalaha , ha is ilowsiinin yaanu ku iloobine , waxaad-na ka noqotaa arrimahaan mid meel dhexe ka taagan .
Hooyo .. Waxaan kugu boorinayaa inaad u salaaxdid , waayo nolosha ayaa sidaa ku qurux badan sida inaad madaxiisa dhabtaada aad saarto ,gacantaadana aad mar mariso timahiisa iyo jirkiisa , waxaad-na isku daydaa inaad ku gacan siisid wax waliba oo aad awoodid .
Gabadheydiyeey .. waxaad ogaataa in galmood-ka aanu aheyn oo qura in la isku tago balse ay ka horeyso cayaartanka , ka dhunka afka , oo labada bushimood si degan uga baashiyeey ( ka dhuuq) , waxaad dha dhansiisaa candhuufta afkaaga , waxaad nuugtaa carabkiisa , kuna buuxi xaraarada jirkaaga .
Hase yeeshee galmood-ka iyo isku tegidda waa goosha dagaalka iyo ujeed-ka ugu dambeeya ee la hiigsanayo , kolka aad aragto inuu ku dhiban yahay dagaalka oo aad ka guul gaari rabtid , si adag ugu soo duub laabtaada oo ku qabo, in kabadan dhunko, ereyo macaanna ku dheh xilligaasi oo si akhlaaq ay ka muuqato sida waan ku jeclahay, adiga ayaan kuugu dhimanayaa , waad i farax gelisay, Allah ayaa ii kaa doortay, Allah ku dhowro iyo ereyo kale .
Waxaad u diyaarisaa wixii uu doonayo , gososha iyo qolkana si aad ah u carfi , dharkiisana ha noqdeen kuwa nadiif ah, naftaadana u qurxi qaabka uu isaga u jecel yahay ee uu doonayo inuu kuugu arko sida labiska iyo quruxda.
Gabdheydiyeey .. waxaan kaaga digayaa xanta iyo isku dirka dadka , waxaad ilaalisaa oo aad xafidaa sirtiisa , maalkiisa , ehelkiisa, sharaftiisa , waxaad-na badisaa allah ku xirnaanshaha .
Gabadheydiyeey .. maxaa ka qurux badan habeenka aad naftaada carfisid , qolkaaga carfisid , oo jawi degan oo aan buuq laheyn ku qaabishid ninkaaga, fadhi qurux badan , cabitaano kala nooc ah iyo codad naxariisyo ay ku dheehan yihiin, heedhe waa qurux iyo xasuus habeenkaasi
Ugu dambeyntii gabadheydiyeey .. hooyadiisa jeclaaw oo si aad ah ugu naxariiso , waxaad ninkaaga ku guursatay waa ogolaanshaha qoyskiisa , waxaad raali gelisaa isaga iyo qoyskiisa oo xiriiri walaalihiisa , una dhimri, iyagaa ku jeclaan doonee .
Gabadheydiyeey .. markale waxaan kuugu celinayaa inaad si fiican u xushmeysid hooyada dhashay ninkaaga oo jaceyl u muuji si ay kuu jeclaato , kuuguna kalsoonaato , waxaadse ogaataa in hooyooyinka marka wiilashooda ay gabdho guursadaan ay si weyn u dareemaan in kala bar jirkooda la siibtay oo uu lumay ,
laakiin adiga hadii aad tahay qof wax garad ah waa inaad isbaaradaasi kaga gudubaa naxariis iyo jaceyl , waayo kolkaas hooyadiisa waxay kuu jeclaaneysaa in ka badan sida ay wiilkeeda u jeceshahay , waxaana xilligaasi ku jeclaanaya ehelkiisa iyo tolkiisa , anna waan ku jeclahay ee sidaa ogsoonow , farxad iyo barwaaqo ayaanan kuu rajeynayaa ,hooyo guuleyso weligaa !!!Aamiin.
Aabe Wiilkiisa kala dar daarmay guurka (Waa dar daaran aad uxiisa badan
Aabe ayaa wiilkiisa oo aroos isku diyaarinayay ka codsaday inuu u yimaado si uu ula sheekeysto ka hor habeenka aqal-galka, una fahamsiiyo waxyaabo badan oo guurkiisa wanaag u ah.
Aabaha ayaa wiilkiisa siiyay fariin dardaaran ah , taasoo qof waliba oo rag ah oo guursan raba looga baahan yahay inuu ka faa’ideysto waanadan.
Wiikeygiyow, hodantinimo iyo farxad ku heli meysid gurigaaga ilaa iyo inaad iga aqbashid toban tilmaamood oo lagaaga baahan yahay inaad ku dhaqaaqdid oo aad fulisid, waxaana kaa doonayaa inaad xafido oo aad ku dadaashid.
Midda koowaad iyo labaad:. haweenka waxay jecel yihiin in la isku muujiyo , loona cadeeyo jaceylka, ee wiilkeygiyow xaaskaaga haka baqiilin inaad u bandhigtid jaceylka , hadii aad bakhiil dhankaas ka noqotid , adiga iyo iyada waxaa idin soo dhexgalaya mugdi iyo is afgaranwaa , waxaana hoos u dhacaya kalgaceylkii aad isku qabteen.
Midda sadaxaad: wiilkeygiyow haweenku waxa ay neceb yihiin ninka go’aankiisa uu adag yahay , waxayna adeegsadaan ninka laciifka ah ee jilicsan, ee tilmaan kasta waqtigeeda la imoow , waxaad –na xaaskaaga ugu baaqdaa jaceyl iyo xasilooni oo ay ku jirto deganaansho.
Midda afaraad : wiilkeygiyow dumarku waxay jecel yihiin in nimankooda ay ka helaan hadal macaan , muuqaal qurxoon,labis qurux badan iyo udgoonka carafka badan ee jirkiisa iyo dharkiisa ee sidaa ku dadaal , waxaana kaaga digayaa inaad xaaskaaga hoosta ka gashid adigoo dhidid badan uu qoyay jirkaaga iyo dharkaaga , waxaad-na xoojisaa nadaafadda iyo bilicda .
Midda shanaad: guriga waa boqortooyada dumarka , waxaana ay ku dhex dareentaa xaaskaaga in afartiisa gees ay iyada xukunto oo marwo ay ka tahay , wiilkeygiyow waxaan kaaga digayaa inaad burburisid boqortooyadaasi oo ay xaaskaaga ku nooshahay , ayna maamusho, waxaan kaloo kaaga digayaa inaad ka ceyridid boqortooyadaasi oo ay ku nasato , waxaan markale kaaga digayaa inaad awoodda guriga ka qaadid oo aad furtid , waayo taasi waxay abuuri kartaa cadaawad .
Midda lixaad: wiilkeygiyow , haweeneydu waxay jeceshahay inay ninkeeda kasbato oo ay soo jiidato ,qoyskeedana ay xiriiriso, waxaan kaaga digayaa in nafsadeeda iyo ehelkeeda aad isku mid ka wada dhigtid oo hal miizaan aad wada saartid , waa inaad xaaskaaga ku tiraahdaa inay kala doorato ehelkeeda iyo adiga , waxaad ogaataa hadii ay ehelkeeda ay doorato in had iyo jeer cadaawad joogto ay jiri doonto oo gurigaaga aanu deganaansha ka dhex jiri doonin marnaba oo faragelin hoose iyo mid muuqata laguugu sameyn doono hab maamulka qoyska.
Midda todobaad: dumarka waxaa laga abuuray feer qaloocan, taasina waxaa ku jiray sirta quruxda iyo soojiidashada , waxaadna ogaataa in abuurka allah aanu ceeb aheyn..hadaba hadii ay qalad xun oo aan naxariis laheyn ay sameyso xaaskaaga ,fadlan iskuday inaad toosidid qalooca jira adigoo ka taxadaraya inaad jabto , waayo jabkeeda waa furiin, hadii ay qaldanto haku siideynin inay qalooca sii wadato oo uu dhibka sii kordho, ha noqonin qof dabacsanaan badan , ha noqonin qof ad adeeg badan , waxaad noqotaa nin heer dhexe ka ah labadaasi arrimood.
Midda sideedaad: dumarka waxaa loo abuuray inay fogeeyaan ehelka , ayna diidaan wanaaga , hadii hal waqti aad wax wanaagsan u qabatid , waqtiga xigana aad xumeysid, waxay kuugu jawaabtaa oo ay ku oraneysaa “ weligaa wax kheyr ah kaama arag, iimana aadan sameyn” , hadaba waa inaad ugu dulqaadataa arrinkaasi oo aanad u moodin naceyb ay kuu qabto , kadibna aad ka carartid , hadaba wiilkeygiyow waxaan kaaga digayaa inaad degdeg ku furtid xaaskaaga oo nin kale oo arrintan raali uga noqonaya uu guursado.
Midda sagaalaad: haweeneydu waxay la soo gudboonaada xaalado tabar darro jismiyadeed iyo mid nafsaani , xitaa allah wuxuu ka cafiyaa waxyaabo badan oo waajib ku ahaa gudashadeeda , waxaana loo cudur daaray dukashada salaada xilliyada ay qabto dhiigga caadada iyo dhiigga dhalmada , waxaa sidoo kale loo cudur daaray soon-ka inta ay qabto labadaasi dhiig ilaa iyo inta caafimaadkeeda uu ka soo laabanayo, waxaad xilligaasi u noqotaa kaaliye gacan siiya oo u fududeeya waxyaabaha ay u baahan tahay , waa inaad xilligaasi aad yareysaa amarada aad siineysid , waayo ma ahan qof ka bixi karta oo gudan karta howlo badan oo aad u dirtid waqtigaasi.
Midda Tobanaad: wiilkeygiyow waxaad ogaataa in gabadha xaaska kuu ah ay tahay mid kuu qafaalan oo maxbuus kuu ah ee fadlan u dhimri una naxariiso , hana ku xadgudbin , waayo waa qof tabar daran oo laciif ah , hadii aad wanaajisid waxay kuu noqon doontaa raaxadii aad filaneysay iyo kheyrkii aad sugeysay, hadii aad xumaan ku qaabishidna waxay kuu noqon murug iyo mugdi mustaqbalkaaga galay ee sidaa ku dadaal.
Aabe waan kuu duceeyay, cadowgaaga ha jabo, weligaa guul ku waar AAMIIN AAMIIN.
Sifooyinka Haweyneeda Wanaagsan lagu xusho markaad guur doon tahay
Sidoo kale Soomaalidu ayaa waxa ay hablaha ay guursanayaan waxa ay kuxushaan qaabab gaar ah .
Soomaalidu waxay tiraahdaa: (hadday naagi siddeed iyo labaatan sifo oo dumar lagu raaco leedahay, asay gabar tahay, guurkeeda sina looma daayo ee u dag daga ).
Sifooyinka dumarka lagu raaco ayaa waxa ay kalayihiin sidatan:-
Afar ay u dheer tahay: labada gacmood, timaha iyo qoorta.
Labay u dhuuban tahay: qoorta iyo dhexda.
Afar ay dhumuc u leedahay: labada kub iyo labada cududdood.
Afar ay u caddahay: labada indhood iyo ilkaha labadooda lakab.
Afar ay u madowdahay: labada indhood wiilkooda iyo labada sunniyood.
Afar ay deeb u leedahay: labada dibnood (bushimood) iyo labada mudane (Naasaha caaraddooda).
Labay u shuban tahay: labada dhaban.
Hal ay u buuxdo: shafka oo ah meesha dumarku quruxda ka sitaan, ishuna ku nasato.
Hal ay u qoran tahay: waa sanka.
Lix iyo labaatankaas sifo araggay ugu qurux badan tahay, labana maqalkooda ayay dheguhu ku raaxaystaan, waana qosolkeeda iyo codkeeda macaan.
Sidoo kale Carbta ayaa iyaguna waxa ay yiraahdaan .
(Naag wanaaggeed ma dhamaystirna haddaanay afar u caddayn, afar u casayn, afar ciriiri u ahayn, afar u carfayn, afar u madoobayn, afar u weynayn, afar u koobaabnayn, afar u ballaarrayn, afar u jilicsanayn, afarna u yarayn).
Afarreydiina waa sidatan:
Afar ay u caddahay: indhaha, ilkaha, ciddiyaha iyo midabka.
Afar ay u castahay: carrabka, ciridka, dhabannada iyo dibnaha.
Afar ay ciriiri u tahay: sanka, dhegaha, xuddunta iyo cambarka.
Afar ay u carfayso: sanka, afka, kilkilaha iyo cambarka.
Afar ay u madowdahay: sunniyaha, timaha, indhaha iyo baararkooda.
Afar ay u weyn tahay: joogga, garbaha, feeraha iyo barida.
Afar ay u wareegsan tahay: madaxa, indhaha, cududdada iyo kubabka.
Afar ay u ballaaran tahay: foolka, indhaha, shafka iyo cajarrada.
Afar ay u yar tahay: dhegaha, cagaha, afka iyo calaacullada.
Afar ay u jilcan tahay: sunniyada, sanka, dibnaha iyo dhexda.Hadaba mafilaayo intaas oo idili naag u dhameestiran in ay jireyso hadii ay jirta ilaah hanu beego ,Abwaan ayaa horay uyiri '