Qaranka online
Bogga hore/Home
Somali links Suugaanta Somali Album xiriir/contact

-Hadii Mareykanku Somaliya ku burburiyay Maxaakimta, sidee Eritriya ugu daayay?

The Qaranka online
Ali E H Naleeye
Email: Ahassannn@yahoo.com
2 Sept. 07

Ciraaq,Afghanistaan iyo Soomaaliya wuxuu ugu duulay oo wuu burburiyay. Dalalkaas kuligood wuxuu Mareeykanku ugu duulay hal sabab oo ah Al Qaacida bay xiriir la leeyihiin.

Wuxuu kaloo Mareeykanka Islaamist har cad xoog kaga afduubay Dalalka EU-da sida Germalka, Talyaaniga niman Islaamist ah. Marka caqli ma galeeysaa inuu u daayo in Maxaakiimata Islaamka tagaan Eriteriya? Sababtu waxaa weeye madaama Mareeykanka uu ka dhintay dawladii Sovieti Union la dhihi jiray oo Cold War dagaalkii qaboobay kula jirtay Eriteriya Mareeykanku wuu dumaalay. macnahaas oo ah Go'aan kasta Soomaalida Eritriya iskugu aruurtay gaarto Mareeykanku wuxuu isku haystaa inuu iska leeyaahay sida Mucaaradka dalkiisa oo kale oo ah waa lays xifaa laykara.

17 sano dhibaatadii Soomaalidu ay dalalka dariska la ah soo gaarsiiyeen miyeeysan ku caqliyeeysan? Mise waxay wali rabaan Eritriya in Shaati cusub oo IGAD u soo gashato.

SOOMAALIDU WAXAY TIRAA WALEE NINKII SEEXDOW SICIIS DIBI DHAL

Dhinac kale hadii la fiiriyo Mareeykanku wuxuu isleeyay wax kasta oo Casmara Soomaalidu ku gaarto kama dheera kuwii 17 sano Soomaalidu ku gaartay laga bilaabo kii 1992 Xasan Guuleed iyo askarta gumeysiga sirdoonka Faransiiku ee ilaa 1884 (Colonial Partition of Somalia) fadhiyayku Jabuuti ku sharaxeen Cali Mahdi oo Bush Aabihiis George Bush Sr. warqad dheer oo dhambaala ku hambalyeey doorashado Cali Mahdi, warqadaas oo wax ku riday Internetka mooye uu Bush ku yiri Cali Mahdi " Doorashadaada aad baan ugu farxay, Nabad iyo barwaaqo baan adiga iyo dalkaada Soomaaliya u rajeeynayaa."

3 Usbuuc kadib Tahniyada Bush Sr. ee doorashada Cali Mahdi Burburka Soomaaliya ku dhacay kuma uusan dhicin labadii kunee sano ina dhaaftay
Aniga markii madaxweyneyaashu warqad ay gacantooda ku saxiixeen ii soo diraan sida Warqado ay ii soo direen Madaxweynaha Faransiiska iyo Switzerland protokool fiican maaha inaan warqad saxiixan Internetka ku soo bandhigo.

Mid kale Usbuucaan waxaa Dalka Mareeykanka ka bilaawday Olalihii Doorashada Madaxnihii Cusbaa markaa waxaa dadka Mareeykanka filayaan boqolkiiba 70% inay doorataan Madaxweyen cusub oo sharafta shacabka Mareeykanka dunida ku lahaa soo celiyo, Dagaalada lagu nacay Mareeykanka oo macna darada dunida uga oogaye joojiya.

Yaan been laydiin shiigin in Eritriya Soomaaliya Saaxiib la tahay.

Eritriya waa NIN HIR QAADAY WALI XUMBO CUSKAY.

Eritriya waxay rabtaa inay nafteeda ku badbaadsato Soomaaliya oo hadii ay Eritriya Soomaalida ku soo aruuriso Dalkeeda ama ay ka dhowrto inay Ururadoodu Sal dhig ka sameeystaan dal Islaam uu si qarsoodiya u amaal mariyo Mareeykanku .

Mareeykanka oo Bisha gaaray, Aduunka cirfihiisa North Pole iyo South Pole oo sanadkoo dhan baraf ku daboolanyahay teendhooyin barafka ka duldhistay. Dawladaha Jeka Republic iyo Poland Misaalo geeyay asagoo ku andacoonayo Iraan baan uga difaacaya inkastoo Ruushku taas ku beeniyay oo Ruushkuu kula dagaalamayaa (Cold War), Eritereya oo 1990 xoriyo qaadatay, oo faqiirna ah, 3 milyana ah oo waliba ah dalka kaliya oo qabiilo Masiixi ah hogaamiyaan oo Bada Cas ku taal oo waliba nalalkooda laga arko Mekka Sacuudiya dhawaansho awgeed Mareeykan ma dhaafi lahaa? Macnuhu waa Good Police Bad Police(Prisoners-Dilemma) Ethiopiya Iyo Eritereya midba si gaar ah u isticmaal.

Senator Mareeykanka baa kolkii Badenya Maxkamada U.N-ka u Xukuntay inay leedahahay Itoobiya yiri Eritriya iyo Itoobiya waa saaxiibo Mareeykan.

Markeey dagaal isla galaana Ethiopiya iyo Eriteriya waxeey ku yareeynayaan shacabka muslinka ah ee dalalkooda degan si aysan aad uga badan oo ay xukunka ay usii haystaan Masiixiga laga dad badanyahay, maadaama Muslinku aad u tarmaan oo dhowr dumar

mar mar ragu goorsado.

Askarta Itoobiyaanku markeey Muqdishu soo galeen waxay ka bixi waayeen oo xabsi ku noqdeen Isbartiibada iyo Vila Soomaaliya laakiin maalintii Baarlamaanka xortaa Eriteriya gacanta u galeen Ethiopiyaanku si fudud bay Muqdishu gacanta ugu gashay uguna fideen. Madaama ila 1990 ay Ethiopiyaanku iyo Eriteriyaanku hal dad oo is wada guursajiray (citizen) bay wada ahaayeen, sirta Eritereeya taalna Ethiopiyana kama qarsoona. Sidaas darteed buu Mareeykanku lacag fara badan ugu baxshay sidii Mucaaradka Soomaalida ay
Eriteriya iskugu aruuri lahayeen.

Aduunka markii Dawlad damacdo inay Dawlad kale qabsato waxay marka hore tiraa macaawino inaan idin siiyo baan rabaa. Macnuhu waxaa weeye dadka Mucaanida sida waa Jaasuusiin baaraya quwada iyo siyaasada si markeey soo duulayaan u laayaan mucaaradka

dalkana xoog ku qabsadaan.

Markii Habishadu dharaar cad Muqdisho qabsanaysay waxay iska soo hormariyeen niman Suxiyeen ah oo Soomaaliya oo ka yimid Puntland iyo Soomaali Galbeed. Runtii nimankaasu waxay ahaayeen Jaasuusiin Mareeykanku iyo Habishidu soo kiraysteen oo baarayay Meelaha Maxaakiimtu iyo Soomaalidu hubka ay dalkooda ku difaacayaan yaalo, meelaha raga militariga hogaamiya seexdaan. Dawlada Masar ayaa qiratay sababta Habashidu ku jabisay Soomaalida inay ahayd sirta ay ka heleen nimanka Soomaalida oo isku sheegayay

inay Joornaalisti ahaayeen.

Hada Shirka Casmara waxaa ku jira niman Mareeykanku iyo Ethiopiyaanku soo kireeysteen oo waad arki doontaane markii shirku dhamaado wixii laysku raacu mucaarad ka noqadoona si Soomaaliya loogu daro dalka Ethiopiya

Mar aan la kulmay Safiirka Eritriya u fadhiya Mareeykanka Washington wuxuu igu yiri haddii aad doonaysid inaad dalkaada wax u qabato warqado u qor Brooklyn Institute iyo American Center for Strategic studies halkaas ayaa dawlad Mareeykanku sida uu ula dalalka dibada ama sida uu cilaaqad ula yeesho fikradaha ka qaadataaye. Markaan hadalkaan dhuuxay waxaan u fahmay in Eriteriya iyo Mareeykanku Cilaaqaad Hoose leeyihiin. Siyaasada adduunka labo waji ayeey leedahay: MID MUURAAYAD LAGU ARKO IYO MID INDHAHA LAGU ARKO, Soomaalida dadkoodi cilmiga lahaa waa hore dalka laga dhoofiyay waxaa badanaaba lagu dilaa tan muraayada lagu arko.

Eriteriya inay Soomaalidu ku shiraan Mareeykanku aad buu ugu faraxasanyahay maxaa yeelay wuxuu Mareeykanku aad uga walwal sanyahay in Soomaalida 17 sano gardarada uu ku hayay ay dalalka Islaamka oo quwadoodu soo koreeysu dunida Soomaalidu inay iskugu aruurto oo hub ka soo qaataan maadaama asaga iyo Ethiopiya ay Soomaaliya Karishtiyaan ahaan ugu duuleen. Hadii Ethiopia Soomaaliya ku qabsatay hub Masiixigu siiyay, sida ay iskaga saari karto waa Hub Islaam siiyo Casmara waa waqti dhumis oo Mareeykanka & Ethiopia Soomaalida ku habaabinayaan si Soomaalidu aysan Mucaawino u weeydiisan Dawladaha Islaamka oo baryahaan soo xoogaysanaya oo waliba qaarkood ka dhaqaale sareeyaan badanaabaa kuwa Reer Galbeedka. Soomaalidu waa iney Dawladah Islaamka Hub ka keensadan si Bab el Mandeb Hakad ama loo xiro

Eriteriya waxay ka mid tahay Dawladaha dunida kuwa waqti walba ama dagaal ku jira ama dagaal isu diyaarinaya. Nin asugaba nabad haysan adiga nabad kuuma heli karo. Dawlada Eriteriya waxay mar walba raadinaysa sidii dagaalada ay ku jirto ay mar walba uga badbaado, taas waxaa fursad ama Leverage u tahay Mareeykanku in siyaasadiisa si secret ah u taageerto.

5 Arimood baa cadeenaya in Eriteriya damacday in Soomaaliya ay u isticmaasho naf badbaadis ama ku daneeysi. Xooluhu qaarkood markeey gaajoodaan sida Mukulaasha, Kaluunka markeey gaajoodaan ilmahooda ayeey Raashin ahaan u cunaan bal saaxiibkood asaga warkiis iskaba ilow.

Mareeykanka, Ingiriiska iyo faransiiska waxay 17 sano ku guuleeysteen inay Soomaaliya dhul Karishtiyaana oo faqriya oo ay danahooda Soomaaliya ka fusho ka karaan Soomaalidu ku kulanto. Ciidamada Ethioiyaanka ee Soomaaliya Gumeeysi ku haysta 10 kasta oo askari waxaa la socda nin Soomaali Galbeed Galinka 5aad ah oo Turjumaan iyo Jaansuus u ah Ciidamada Ethiopiyaanka ah. Macnuhu hadii 100 kun oo ciidamada Ethiopiyaan ee Soomaaliya Gumeeysanaya 10 kun oo ciidamadaas ka mid ah waa Soomaali Soomaali Gumeeysanay oo ah Darsi ay Soomaalida oo naftooda u huri jiray Soomaali Galbeed si ay Gumeeysiga Ethiopiyaan uga saaraan ay maanta baratay.wuxuu ku duulay u burburiyay Ethiopiyaanka arintaan mucjisada ah ku guuleeystay ma u daahaya inuu sirta Eriteriya oo Afkooda Hooyo Tigree ku hadasha ama saas ay walaalo ku yihiin?

Usbuucyo intaanan Ethiopiya Soomaaliya ku duulin UN Golahiisa Amaanka, Security Council wuxuu Eriteriya ku eedeeyay ineey ku hayso ciidan Eriteriyaan ah Soomaaliya oo gargaaraya Maxaakiimta Islaamka oo gaaraya ilaa lix kun. Eriteriya qun yar bay u inkartay eedeeyntaa Culus ee kaga timid Golaha Nabada ee Qaaramada Midoobay, sidii Ethiopiya oo ayadu been sheeygeeysay inaan ciidamo ka joogin Soomaaliya bay Eriteriyana u inkirtay.Xataa Markii UN-tu dirty Soomaaliya khubaraa baarta arintaas oo ka waayeen Soomaaliya ciidamada Eriteriyaanka ee UN tiri Soomaaliyeey joogaan, Eriteriya ma weeydiin UN-ta in Eedeeyntaas UN-ta ee been noqotay in xaal laga siiyo.

Ta labaad Eriteriya 30 sano bay Ethiopiya Conventional iyo Guerilla war kula dirays, Urban War asaga oo ay Ethiopiya kula dirirto malaaig ilaaheey soo diray bay Eriteriya u ahaa lahayd. Eriteriya sida jidadka Casmara bay u Taankiyada Ethiopiya iyo hubka jajibiya Taankiyada Ethiopiyaanka oo ay haysato. Maadaama Eriteriya aysan siinin Hubka ka dhex dusa Taankiyayda Ethiopiyaanka Soomaalida dagaalkii Sagaalka casho ka socday oo dhex maray xaq u dirirka Soomaaliya iyo Taankiyada Ethiopiay, Bombooyinkii Soomaalidu ku tuureeysay Taangiyada Ethiopiya waxay noqdeen sidii Ayax la hordhigay Taangiyada Ethiopiya. Ilaa 6 kun oo Soomaaliya baa Taangiyada Ethiopiyaanku laayeen, dagaalkii xamarna ku guulaysatay Ethiopiya.

Ta sadexaad inta aanan Kuwa isku magacaabay Baarlamaanka Xortaa ee Soomaaliya aysan tagin Casmara, Askarta Ethiopiyaanka waxaa maalin walba Xamar kaliya uga dhima jiray ilaa tomaneeyo askari, dariiqyada Xamarna dhumasho iyo is dhufays ay isku difaacaan bay ku jiri jireen, laakiin maalintii Baarlamaanka Xorta gaareen Eriteriya oo 4 bilood laga joogo Soomaalida xaq u dirirka baa dhuumaalaysi Xamar ku mara, Askarta Ethiopiya ciday rabaan goorteey rabaan bay Xamar kala baxaan. Bal adoo meel dheer ka eegin xiriirka ka dhexeeya Tigreega iyo Eriteriya bal arag Hal af oo Tigree la yiraa baa Eriteriya iyo Tigreega ku duulay Soomaaliya Afkoodi Hooyo Ah. Hadii Eriteriya ay Soomaalida wax yaroo macaawinaa siido, waxay istusinayaa Shacabka Eriteriya oo Amaal weyn haya ummada Soomaalida sidii ay u caawintay waqtigii ay xurnimada u dagaalamayeen. Lakiin markii laga hadlayo shacab iyo Siyaasad Dawladeed waa labo sheey oo boqolkiiba 100% kala duwan.

Ta 4aad Ciidamo ee ka socda Security Council Golaha Nabada ee Qaaramada Midoobay baa xuduudka Eriteriya iyo Ethiopiya fadhiya. Ciidamadaas waxaa xukuma Mareeykanka iyo Ingiriiska madaama ay Sphere of influency (Shanta dal ee China, Russia, U.S., U.K., iyo Faransiiska dunida ay Siyaasad ahaan u goos goosteen oo Horn of Africa la siiyay Mareeykanka iyo Ingiriiska). Taasu waxay kuu cadeeynaysaa inay Mareeykanka iyo Ingiriiska ciidamadoodu fadhiyaan Eriteriya oo Eriteriya Leverage ama dhib u geeysa karaan Eriteriya hadii ay arimaha Mareeykanku iyo Ingiriisku ka wataan Horn of Africa ay soo fara galiso.

Ta ugu dambeeysa oo ah ta 5aad bal fiiri Ethiopiya oo 70 million ah bad wax uga soo dagaan oo badiyoo dhan waxaa kala wareegay Eriteriya. Marka Eriteriya hadii ay maqasho 70 million oo Ethiopiyaan oo bad kula dirirayay Eriteriya bad bay Soomaaliya ka heshay, Farax Eriteriya dunida uga imaa kara oo maqalkaas in Ethiopiya ay heshay bad ahayn ma jiro.

Bal u fiirso marka Eriteriya ay Xaalada Soomaaliya ka hadlayso hadalkeedu waa kulal yahay, laakiin sidaa mala dhihi karaa Ficilkeeda ama wax tarkeeda Soomaaliya sidaas buu u kululyahay.?

Hubka Ethiopiya Soomaaliya ku qabsatay iyo Dhaqaalaha Dawlada Ethiopiya ku dhisantahay Boqolkiiba 96% waxaa bixiya Mareeykanka, Ingiriiska iyo Dawladaha kula bahoobay The SOMALIA CONTACT GROUP: Canada, Sweden, Norway iyo Finland.

Warqadaydii the 2007 U.N. Security Council Open appeal Somalia letter oo 67 Madaxweynane xaafiisyadooda ugu geeyay oo waliba ay Dawlada Faransa iyo Swisserland iyo ku kale jawaabteeda ii soo direen, waxaan kaga codsaday in Soomaalida 17 sano layskaga dabawareejinayay lugana lugooyay Ethiopiya iyo Kenya, hadana ay xaq daro tahay in Dunidu Soomaalida ku lugooyso Eriteriya iyo Ethiopiya.

3 casho inta Ethiopia aysan Soomaaliya ku duulan baa Baydhabo waxaa ku kulmay Generaalada dagaalka iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Ethiopia iyo Cabdulaahi Col. Cabdulahi Yuusuf Gen. Cadde Muuse, maamulaha Puntland, iyo Madaxweynaha Ethiopiya Meles Zenawi oo si joogta uga xiriirayay khadka teleefonka, marmarna shirka dhinac ka fariisanayay si Telephone Conference Meeting ah. Halkaa waxay ku dajiyeen qariidadii Ethiopia Soomaaliya ku qabsan lahayd iyo sidii Soomaaliya qariidada adduunka looga tirtiri lahaa oo Ethiopia loogu dari lahaa sida Maabab ama Qariidooyin fara badan oo Dunida ka soo baxa ay Qariidadii Soomaaliya meeshii Soomaaliya Dunida uga taali jirtay dheheen ama ka muujiyeen in dhulkaas haatan Ethiopia la yiraahd ama laysku yiraahdo.

Hadii Ethiopiya ay Soomaaliya ku qabsatay hub Karishtiyaanku soo siiyay, sida kaliya ee Soomaalida iskaga saari karto waa Hub Muslimka uu soo siiyo. Maahmaah baa tiraa ilmaaha kii aamusan xataa hooyadiis waa hilmaantaa. Waagii Dawlada Soomaaliya jirtay Dawladaha Islaamka ee Dhibaateeysan Soomaaliya Cawinaad bay Weeydiisajireen Ummada Soomaaliyana weey Sii Jirtay. Sidoo kale Bari hadii Dawladaha Islaamka ee Maanta Xooga leh Dhibaato ku Dhacdo, Soomaaliyoo Dawlad leh Cawinaad weey weeydiisa doonaan. Maantay in aan Anagoo Dhibaateeysan Xoolaheeni iyo Dhigeeni aan Muslimka ku Bixinay Dib u Weeydiisan Weeyno waa Caqli Yari iyo Ayaan Daro ay Ummada Soomaalidu Waligeed ka Shalayn doonto.

Sanadkii 1977 baa former Soomaali Frenchland ama dhulkii loo aqoon jiray French Somali Coast maantana loo yaqaan Djibouti baa dhowr Soomaaliya oo doonayaya dhulku France xuriyad ka helo soo afduubay kuryeeri siday caruur iskuuley ah oo Fransiisa magaalada Djibouti dhexdeeda lana soo galay baskii Xuduudka Soomaaliya, siidaynta caruurtana sharuud uga dhigay in Fransiisku xuriyad siiyo Somali Coast.

Joornaalka weyn Corriere della Sera ee ka soo dalka Talyaaniga waxa soo sawiry bishii hore Xeebtaas Bab El Mandeb oo yiri massafada Yemen iyo Djibouta waa 27 km. waana meelaha maraakiibta dunidu maraan meelaha ugu taraafik badan. Wuxuu Joornaalku intaas ku daray in ay sababtu ahayn in Golfiga Cadan ama Soomaaliya ay hada maraakiibta saliida sida maraan ee xataa intaan Sacuudiya saliid laga helin Golfigu Xeebta dunida ugu Taraafik badan bay waligeedba ahaan jirtay oo Gofigu wuxuu isku xiraa badaha iyo Qaaradaha Asiya, Afrika iyo Yurub, sadexda Qaaradood oo dunida ugu taariikh dheer uguna weyn, doomaha iyo maraakiibta Caalamkana ay iskaga kala gudbi jireen.

Joornaal Ingiriis ku qornaa oo aanan magaciisa hubin hada baa dhowr sano ka hor wuxuu qoray in Faransiiska ay dhib ku hayso Dhaqaalha fara badan ee ku leeyahay Afrika uuna haatan Faransiisku yareeyay ama xir xiray Saladhigyada Ciidamada ka fadhiyay Dawladaha uu horey u Gumeeysajiray laakiin u diiday inuu yareeyo Saldhiga Ciidamadiisa ee Djibouti fadhiya. Joornaalka wuxuu yire sababta uu Faransiisku u yareey waayay Ciidamadiisa Djibouti maxaa yeelay Djibouti waa Halka Saldhig oo kaliye ee ku yaal marka Faransa laga baxo ilaa laga gaaro Dawladahau u Gumeeysan jiray ee ku yaala agagaarka Australia sida Mauritiuos. Markeey maraakiibtu ka baxaan Faransa ilaa laga gaaro Australia qiyaastii waa Dunida kala barkeed. Meesha kaliya oo Maraakiibta ay heli karaan in ku nastaan saliidna ka qaataan waa Djibouti.

Markii ay Soomaalidu afduubeen caruurta Faransiiska ee Djibout islamarkiiba Faransiiku Djibout xuriyadeeda buu siiyay. Maxaa yeelay sidaad arkaysid Xasiloonida Djibouti ama Golfiga Cadan aad bay Faransiiska muhiim ugu tahay.

Maanta ninka Yurub ay u doorteen inuu wakiil uga noqdo Soomaaliya lxxxxx waa nin Faransiis ah. Markii Portugiiska xilka 6 bilood ee wareegtada ah ee Yurub Germalka kala wareegay RW Portugiisku wuxuu yiri Soomaalia waa EU-da Strategiyad u ah.

Inkastoo la dhihi karo Qarnigaan Soomaalidu nasiib ma lahayn hadana markaad fiirisid Dawladaha Islaamka xiligaan Dunida aad bay ugu soo xogeeysanayaan meesha sanad ka dib Dagaal ooge Bush uu xukunka ka dagayo waa hadii inta ka horeeysa xukunka Baarlamaanka Mareeykanka Senate aysan xukunka ka xayuubin sidii Madaweynihii Nixon ee water Gate ku dhacday.

Saliida Dunida ee Halkii Baaril ku dhow yahay 80 doolar waxaa badanaa soo saara dalalka Islaamka. Laga bilaabo Islamic Republic ee Mauritania, Islamic Republic ee Pakistan, Islamic Republic ee Iran, iyo Islamic Republyadii ka go'ay Ruushka sida Khazakistan ee Madaxw. u yahay Nuur Sultan Nazar, ee maalin walba soo saarta 20.40 Billion meter kubic ee Gaaska dabiiciga ah 21 billion Meterik Kubic iyo 1.3 million Fuusot(Baril) petrol maalin kasta , Sanadkiina qoftiiba ku soo aado 9,400 doolar iyo Uzbekistan uu Madaxw. u yahay Islom Karim oo soo saarta maalin walba gaaska 62 Billion meterik kubic 142 Baaril petrol, Turkmenistan ee Madaxw. u yahay Berdymuk Hamed 62 billion meter kubic, Azerbajaan, Turkmenistan, Kirghiztaan iwm.

Axadii dhaweeyd waxaa Turkiya oo dalalka Islaamka oo dhan xukumi jirtay intaan dagaalkii labaad Ingiriisku Jabin baa Madaxweyne loo doortay nin ka soo jeeda Xizbiga Islaamka ee Turkiya, Cabdullahi Gul. Inkastoo dawlado Reer Galbeed aysan jeclaan, maxaa yeelay Cabdullaahi Gul Salaada shanta waqti masaajidka kama baaqdo, xaaskiisuna waxeey xirataa xijaabka. RW Turkiya markuu la RW Ethiopiya wuxuu ka codsaday inuu si dhaqso ah ciidamadiisa ugala baxo dalka Soomaaliya islamarkaana aanan shacabka wax yeelin.

Sabta ay Jabuuti oo yar, kululna Saldhig Mareeykan iyo Faransiis meel yar Saldhig Military ugu qeybsanayaan waxay tahay ayadoo Golfiga hadii wax la gaarsiiyo ay dhaqaalaha dunida dhan wax gaarayaan. Panaama Kanaal hadii wax la gaarsiiyo waxaa laga yaabaa dhaqaalaha Mareeykanka un wax soo gaarto.

Ethiopiya markeey Soomaaliya ku duulaysay EU-da waxay soo saartay Somalia Comuniquee oo ay tiri hadii Ethiopiya Soomaaliya ku Soomaalidu xaq bay u leeyihiin ineey dalkooda iyo dadkooda daafacaan.

Waxaa hobaal ah hadii Soomaalida xaq u dirirka Caawinaad weeydiistaan dalalka Islaamka oo uu ku nooyihiin Shacab Islaam ah oo dhibayso in Ethiopiya Soomaaliya ku soo duushay maxaa yeelay Soomaalidu waa dad Islaam ah.

Hadii Ethiopiya ay Soomaaliya ku qabsatay hub Karishtiyaanku soo siiyay sida kaliya ee Soomaalida iskaga saari karto waa Hub Muslimka uu soo siiyo.

Waxaa hubaal ah hadii Soomaalidu si difaac ah sidii Qadaafi bada Liibiyan Golfi yiri ilaa 400 km. cid dhul iyo hawo soo gali karta majirto oo mareeykanku duqooyiyay gurigii uu qadaafi daganaa kuna dilay guriga Gabar Qadaafi dhalay in Caalamku dhihi doono Cadaalad ha lagu xaliyo arinta Soomaaliya.

Sharciga Badaha ee UN-ta wuxuu qorayaa in dalalka xeebaha leh 50 km xaq u leeyihiin in ayagu kontroolaan. Laakiin waxaa jira Dawlada cadeeysta ineeysan ogoleyn sharci badeedka dunida. South Korea ayaduna waxay tiri ilaa 200km cidina fasax la'aan kuma soo gali karto.

Golfi Aden dunidoo dhan baa aad ugu baahan oo wax yar qalad ah haduu dhaco dunidoo dhan mar isla wada qeylilahayd oo dhihi lahayd ha la saxo qaladkaa, sida Faransiisku markii Soomaalidu hal bus ka afduubtay uu u Jabuuti iga qaata xuriyadiina.

Shacabyada gumeeysigu dalalkoodi ka boobayoo kale sida Falasdiin iyo Kurdi ayagu ma haysan Badeenoo kale oo dunida oo dhan isku xirta.

Soomaalida waxaa laga rabaa in ay fahamto in badeedu ka quwad weyntahay Bam Niyuuklaarka. Ha la ogaado badda ayaa Soomaali lagu qabsaday darteed la yaab ahaana badda ayaa Soomaali xureeydoonta.

Waxaa hubaal ah markii Mareeykanku ku daalo SuperPower sheegashada dunida oo tabartiisu dunida daciifto in Superpowerka kale ee dunida u dhalan doona sidii kuwii ka horeeyay sida Superpowerkii Portugueska oo uu hogaaminayay Vasco Dagaamo oo la yiri sanadkii 1400 buu Baraawe yimid hubna siiyay Habashida si dhulka Muslimka ee Soomaalida ay Karishtiyaanka Habishada ugu fido iyo Superpoweradii ka dambeeyay Ingiriiska iyo Faransiiska siday ugu soo qamoomeen Soomaaliya sanadyadii 1880 uu Geeska Afrika xoog asna ku qabsandoono. Shiinaha oo laga yaabo inay Superpower sidii Japaan noqdaan waxay mar hore bilaawday inay siyaasada Soomaaliya soo dhex gasho ayadoo ku andacoonaysa Deeq ama waxaan rabaa inaan Soomaaliya macaawino. siiyo.

Qaranka online Ali E H Naleeye

email: Ahassannn@yahoo.co

Qaranka onlinem

 
                       © 2006 QARANKA.COM | Design by Ali E H Naleeye