| Qaranka. com Bogga hore/Home |
Somali links | Suugaanta | Muqdishu video | xiriir/contact |
|
A. Gurato ,
Gurato2@hotmail.com
Soomaaliyeey Lama Heshiin ee Hala Heshiiyo?
Inta aynaan Jawaabta u galin aynu wax ka sheegno heshiiska Soomaalidu u baahantahay iyo dariiqa loo marayo: midda hore in figrad dhamaystiran oo xaqiiq ah loogu yeero Soomaalida oo dhan. Midda labaad, in si dhab ah looga wadahadlo dhibaatooyinkii Soomaaliya ka jiray 30-kii sanno ee la soo dhaafay. Midda saddexaad, in markaas meel la isla dhigo sidii dhibaatooyinkaas lugu xalin lahaa. Midda ugu danbaysa, in markaas kadib qorshe buuxa loo soo bandhig Soomaalida aan arrinka qaybta ka ahayn iyo Bulshada Caalamka, kaas oo ay ku caddahay waxa ay ku heshiiyeen inta isu timid iyo qorsha inta dhiman loogu talagalay. Haddaba Soomaaliyeey miyay intaasi ka dhaceen Jabuuti?
Su’aal kale, shirarkii horay Soomaalida loogu qaban jiray ee wada fashilmay mid walba ujeeddo ayaa laga lahaa, waxana mid walba fashil ka dhigay xaqiiqdii aan lugu salayn markii la samaynayeey. Dhamaan shirarkaasi oo dibadda lugu soo wadda dhisay markii ay wadanka dib ugu laabteen waxaa dhici jiray dagaallo iyo burbur hor leh. Waxaa iska horimaan jiray kooxo horay u wada socday, waxana xulufo noqon jiray kuwo horay u falafogaa. Markaas ayaa dagaallo dhici jireen kadibna shir-Dib-u-heshisiinna ayaa loo baahan jiray!!
Tan iyo intii Shariifka la doortay wuxuu dalka kaga noqnoqonayeey Muqdisho oo kaliya, mana uusan tegin Hargeysa, Boosaaso, Gedo (Dolow) midna. Marka Shirka Jabuuti, muxuu uga duwanyahay Shirarkii hore?
Haddii la yiri Madaxwene ayaa la doortay Baarlamaankiina waxaa laga dhigay 550, waana la heshiiyeey, Maxaa laga heshiiyay, Maxaase lugu heshiiyay?
Ma la oran karaa shirkii Jabuuti, wuxuu shirarkii hore uga duwanyahay oo kaliya Sh. Shariif Sh. Axmed, ayaa Madaxweyne loogu doortay? Walaalkay Sh. Shariif in uu madaxweyne noqdo uma diidani oo waa muwaadiniin Soomaaliyeed, laakiin su’aaluhu meesha ayeey yaallaan. Arrinka mihiimkeedana ma’ahan yaa Madaxweyne noqonaya ee waxay tahay Maxaa Madaxweyne laga noqonayaa sideese Madaxweyne loo noqonayaa.
Waxyaabaha laabka ah ee shirka Jabuuti intii uu socday ka dhacay waxaa ka mid ahaa, in shan iyo toban qof ay xilka Madaxweynaha isku soo sharaxeen, kuwaas oo aan isweydiin in heshiis la gaaray iyo in kale. Waxayna u badnaayeen rag aan looga baran wal-wal ay ka qabaan Silica Soomaalida haysta. Isweydiin la’aanta xaqiida madasha taalay iyo dhibaatada Soomaaliya ee laga been-sheegay xallinteeda waxaad moodaa in ay tahay dab horay u shidnaa xaabo iyo batrool lugu wada shubayo.
Dhisme -Dowlad-Qaran oo Soomaalidu yeellato ma sahlana, waxayna u baahantahay in ummadda Soomaaliyeed wada ogollaato. Marka QARAN, laga hadlayo wuxuu ka koobanyahay saddex arrimood: ummad ku midaysan mabaadii, dhul xuduuddo leh iyo sharuuc. Saddexdaasna waxaa ugu mihiimsan ummadda oo heshiis ku ah mabaadii iyo labada kale (dhulka iyo sharuuc) oo ay samaystaan markaas kadib. Sidaas daraateed, Dowladnimadu waa wax ummadi heshiis ku tahay lamina heshiin, Mana noqon karto wax la kala xigo.
Dhibaatooyinka Soomaalida ku cusub waxaa ka mid ah, in Soomaalinimada iyo Diinta kala xigsado. Soomaalidu waa dad muslim ah saxna ma’ahan in qaar ay Diinta Islaamka u sheegtaan kuwo kale. Waxaan maqli jiray “dhalyo la sheeg-sheego wacalnimo ayeey shabahdaa” Sidaas oo kale, kooxaha Soomaalida oo dhamaantood xiriir la leh wadammo shisheeye ayaa isku yeera “dabadhilif iyo argagixiso ama xag-hir” arrimahan iyo saamayntooda soomaalidu may garan.
Soomaaliya waxaa caado ka noqotay in qofkii Soomaaliya ah oo doonaya in uu siyaasada gallo in uu Masar, Itoobiya, Eritrea, Marekan, Jabuuti iyo Yurub uu taageero ka doonto halkii uu ummadda soomaaliyeed ka doonan lahaa. Walaalyaal, “soomaaliyeey” dowladdo shisheeye dowlad cidna uma dhisaan ee dowlad waxaa dhista dadka u dhashay.
Talo-Soo-Jeedin:
Madaama shirkani ay QM lug ku leedahay, in shirka Jabuuti uu noqdo aasaas bilow ah. Baarlamaanka iyo madaxda la doortay iyagoo aan Jabuuti ka guurin in ay ergooyin u diraan kooxaha, beellaha iyo maamullada diidan Shirkii Jabuuti. Waana in la ogaado in aysan Beesha Caalamku cidna taageero siin doonin haddii Soomaalidu aysan heshiis gaarin, sidaas daraateed Soomaalida ayaa laga rabaa in ay la timaado qaabkii ay ku heshiin lahayd, waxaana la filayaa in arrintaas uu jawaab ka bixiyo Sh. Shariif Sh. Axmed.
A. Gurato ,
Gurato2@hotmail.com
Contact Qaranka.com Email: ahassannn@yahoo.com |