| Qaranka online Bogga hore/Home |
Somali links | Suugaanta | Somali Album | xiriir/contact |
Maxaa Loo Aqoonsan Waayay waxa loogu yeero Somaliland?
The Qaranka online
-
Dhinaca Somaliland hadalada Daahir Rayaale Kaahin waxaa ka muuqda in ay adkaatay in la aqoonsado Dawladiisa lagana yabo in uu si kale xal u raadiyo. Sidaa darteed waxaa laga yaaba in ay ka xumaadaan dadkii rabay in ay Dawlad gaar ah noqoto, dhinaca kalana ay ku farxaan kuwii kale ee ka soo horjeeday. Labada qoloba waxaa muuqata in aysan fahmin sababaha loo diiday Dawladnimada waxa loogu yeero ( Somaliland ).
Hase yeeshee hadii ayn is waydiino sababah loo aqoonsan waayay waxay noqon karaan;-
2.Ma dadka ku nool ayaa yar oo dad yar Dawlad looma aqoonsan karo miyaa? Sidoo kale dadka Woqooyiga ku nool waxaa lagu qiyaasi jiray intii aysan Somalia burburin 2 ila 3 Malyan
3.Ma dhaqaalaha ayaa ku yar? Sidoo kale tan sabab ma ahan oo Somaliland xoolo,beer, bad iyo Patrool ku filan ayeey leeyihiin.
4.Ma nabad galyo la,aan baa ka jirta oo qabaa,il ayaa ku dagaalamaya darteed miyaa loo aqoonsan waayay? Waa maya oo Woqooyi nabad baa ka jirta qofna uusan dafiri karin.
5.Ma waxaa la diidan yahay in ay Jamhuuriyada Soomaliya kala go,do oo Midnimada iyo Dawladnimada Soomaliyeed baa loo daneenaya? Jawaabtu waa maya.
Sababta kaliyah oo loo aqoonsan waayay waxa weeye in Soomaliya Dawladii u dhisnayd laga dumiyo ka dibna aan la ogolaan dib danbe in ay usoo noqoto si Qaran Soomaliyeed dalkoodi hooyana gacanta lagu dhigo.
Hadii Koonfur go,i lahayd oo Dawlad isku magacaabi lahayd isla sidaas uun bay ahaaan lahayd.
Qorshaynta Burburka.
Tirtirida Magaca Soomaaliyeed.
Waxaa lagu maaweelinaya in ka dib Dawlad Goboleedka ay dhisan doonaan Dawlad dhexe ( Feder Somalia ) oo isku keenta dhamaantood. Taasi waxba kama jiri doonaan. Waxaana laga saxiixanaya in Gobol kastaaba uu xiriir toos ah la yeesho Ethiopia, halkaasna laga xukumi doono, kadibna ay ku biiri doonaan Xabashida oo halkaas Soomaliya lagu liqi doono.
Qofkasta oo Soomali ah oo Islaam ah oo wadani ah waa inuu arrimahaas ogaada isna hortaago.
Abdikarim Ahmed Husein.
Qaranka online
|