Qaranka online
Bogga hore/Home
Somali links Suugaanta Somali Album xiriir/contact

Dilal Qorsheysan yaa ka dambeeya?

The Qaranka online
WQ: Cabdulqaadir Aroma

15 July 08

-

(15-07-2008) Laga soo billaabo 1991kii xilligii ay saanqaaday fowdadu waxaa hirgalay dilal qorsheysan oo lala beegsado dadka loo yaqaan indheergaratda Eebbe hibada u siiyey hoggaaminta bulshada. Tuhun badan baa jirey, seddax meelood ayaa farta lagu fiiqay. (1) Reer Galbeed oo qorsheeyey inay ka taqalusaan Islaamiyiinta madaxa la soo kacday. (2) Islaamiyiinta cusub (kooxda gardheere surweel gab) oo ku hamiyey inay ka taqalusaan kaadirka lagu soo tababaray waddamada Galbeedka oo ay u aqoonsadeen Cilmaaniyiin loo carbiyey dhalanrogga Muslimiinta Somaaliya. (3) Dowladda Itoobiya oo sirdoonkeeda u xilsaartay dabargoynta indheergaratda Somaalida si mar dambe mustaqbalka fog Somaaliya aysan ula loollamin Itoobiya, loona hirgeliyo hindisaha Itoobiya ee nuxurkiisu yahay in Somaaliya loo qeybiyo lix Maxmiyadood oo Xabashidu dusha ka maamusho (LixLand = Somaliland, Puntland, Midland, Banaadirland, Bayland & Jubbaland)

Qorshaha dabargoynta indheergaratda Somaalida wuxuu karaar-qaatay oo laba-kacleeyey sannadkii 2007. Hadda magaalada Muqdisho waxaa si xawli ah uga socda mashruuc bulshada looga dhex ugaarsanayo dadka waxtarka u leh bulshada iyo qarankaba kaasi oo lagu dabargoynaayo shaqsiyaadka hawlaha samafalka iyo gargaarka ka wada dalka oo ka kooban: indheergaradka, culimada iyo dhammaan qof kastoo bulshada magac iyo haybad ku leh kana shaqeeya hawl samafal oo dalka waxtar u leh. Hargaantiyaal loo soo tababaray toogashada indheergaratda Somaalida ayaa lagu firdhiyey gobollada Koofurta waxaana loo xilsaaray dabargoynta shaqsiyaadka loo yaqaan indhaha bulshada. Sababta ka dambeysa dilalka qorsheysan markii lays weydiiyey, jawaabta laga bixiyey waxay noqotey 'Wax loo diley lama yaqaan iyo rag bastoolado wata ayaa diley'.

Faragelintii Xabashida ee Xamar lagu keenay Kooxda Mbegathi (TFG) wixii ka horreeyey, dilalka Xamar ka dhaca waxay ka koobnaayeen laba: (1) Hebel waxaa loo diley dakano qabiil iyo (2) hebel waxaa loo diley hanti laga dhacayey. 2007/8 dilalka qorsheysan ayaa Xamar ku baahay, intooda badanna waxaa lala beegsadaa kooxaha loo yaqaan indhaha bulshada "Elite" (Culimada diinta, saraakiisha milateriga, aqoonyahannada, suxufiyiinta, indheergaratada, ganacsatada, samafaleyaasha, shaqaalaha hay'adaha calaamiga). Waxaa kaloo si riqiis ah loo dilaa shaqsiyaadka u dhashay beelaha aan hubeysnayn ee loo bixiyey 'looma-ooyaanka'. Dilalka Qorsheysan waxaa fuliya seddax kooxood oo kala ah: Ciidanka Itoobiya ama kuwo u shaqeeya, Askarta TFG iyo Muqaawimada (Maxaakiimta & Shabaab). Muddo aad u yar waxaa Xamar lagu diley ragga kala ah:

1- Cabdikarim Sh. Ibraahim – Samafale xanaaneeya agoonta. 2- Maxamed Maxamuud Khayre, Agaasime-ku-xigeenka (DBG)
3-Cali Baashi Aloore (SORDA).
4- Maxamed Xassan kulmiye - CRD.
5- Cismaan Cali Axmed -- UNDP.
6- Xassan Maxamed Kaynaan – UNHCR.
7- Maxamed Tahlil M. Maxmud – Qabiil yar (Looma ooyaan).
8-Cabdisamad Dahir Cali Maxamed _ Qabiil yar.(Looma ooyaan).
9- Cumar Cali Maxamed Maxamud - Qabiil yar. (Looma ooyaan).
Inkastoo dadka falalkaas cadawtinnimada leh kula raadjooga shaqsiyaadka bulshada indheer-garadkeeda ah aysan cidina si bareer ah u sheegan ayaa haddana waxaa lagu tuhmayaa in falalkaasi ay ka imanayaan laba dhinac:

(1) Itoobiyaanka iyo TFG oo isku daaban iyo (2) Tuugo soo gashatey shaarkii Muqaawimad laakiin ficilladoodu aysan ka duwanayn mannexayaalkii mooryaanta loo yiqiin.

ITOOBIYAANKA & TFG
Waxaa la tuhunsan yahay in dilalka wax garadka lala beegsado ay intooda badan fuliyaan cutubka wax-khaarijinta u qaabilsan Sirdoonka Itoobiya & Sirdoonka TFG oo isbiirsaday, hadalhaynta iyo xanta suuqu waxay leedahay arrinta dilalka qorsheysan ujeedada ka dambeysaa waxay daarantahay:

1. In shacabka laga weeraro garashada, aqoonta, hoggaaminta iyo dadka lagu hiran karo si shacabku u waayo hormuud wanaagsan oo hagi kara, kadib ay noqdaan wax isdhiiba oo u hoggaasama xukun-ku-sheegga TFG iyo wax naftooda la baxsada oo ka carara dilal qorsheysan.

2. Maadaama maamulkii TFG ee Xabashidu ay dhoodhoobtay uu ciidda ka kici waayey oo shaqeyn waayey si aargoosi ah in shacabka loo ciqaabo oo la bartilmaameedsado hay'adaha samafalka, shaqsiyaadka hawlaha gargaarka iyo gurmadka bulshada u haya si dadku ay u waayaan meel ay u ciirsadaan oo aan ka ahayn Itoobiyaanka iyo TFG, dabadeedna ay ula wareegaan dhaqaalaha iyo gargaarka Hay’adaha Samafalku bixiyaan oo iyagu ay gacantooda ugu qeybiyaan si ay shacabka u xukumaan.

Mooryaanta shaarka Muqaawimada lebbisan:
Sidii ciidanka Itoobiya ay waddanka ugu soo duuleenba xaaladda dalku geeso la qabto ma lahayn, halgankii Muslimiinta Somaalidu kala hortagtey cadowga soo duuley oo yeeshay weji cusub isuna beddelay wax-iska-caabin iyo ku-dhufoo-ka-dhaqaaq, waxaa soo ifbaxay dhaliil tiro badan oo ay ka mid yihiin: tuugo lebbisatey shaarka Muqaawimada oo dadka si mecnedarro ah oo weliba riqiis ah u laysa, marar qaarna hantida shacabka dhacda. Mooryaanti hore ugu shaqeyn jirtey dagaal-oogeyaasha oo cimaamad madaxa ku duubtey iyo qaar ku soo dhex dhuuntey muqaawimada iyadoo ujeeddooyin kale loo soo direy aya hawlaha ay fuliyaanna waxay u badan yihiin falal hagardaamo ah oo lagu fashilinayo halganka Muqaawimadana isla markaana loo magac-dilayo guud ahaanba Muslimiinta.

Waxaa kale oo jira halgemeyaal aragti gaaban oo aysan dhagar ka ahayn oo aqoondarro darteed u marinhaabbiyey halgankii suubanaa kadibna ku dhacay falalka fidno horseedi kara, mararka qaarna waxay fuliyaan dilal aan la hubsan oo ku dhisan hawtulhamagnimo iyo tuhun, waxaa ka mid ah “hebel wuxuu salaamay nin ka tirsan dawladda,hebel wuxuu tegey madaxtooyada, hebel ciidamada dawladda ayaa dukaankiisa wax ka gata iwm.

Sidoo kale waxaa xilliyadan sii korortey xad-gudubyada lagu hayo dadka Soomaaliyeed kuwooda nugul sida shaqsiyaadka ka soo jeeda beelaha aan hubaysnayn oo ay bartilmaameedsadaan dabley beeleedyo aan cidna ka amar qaadaan iyo ciidamada TFG oo iyagoo “wax baaris iyo hawlgallo” lagu sheego ku soo gabbanaya dabadeedna xaafadaha masaakiinta ka geysta “dil-dhac-kufsi” joogto ah, xaafadaha la bartilmaameedsado waxaa ka mid ah: Xamarweyne, Shangaani, Waaberi, Xamar-Jajab, C/Casiis, Boondheere iyo degmooyinka ay ku nool yihiin beelaha aan hubeysnayn.

Sannadihii dagaallada sokeeye si joogto ah oo aan gabbasho lahayn ayaa loo dili jirey dadka ka dhashay qabiilooyinka looma ooyaanka loo yaqaan iyo dadka ka sheaqeeya hay'adaha samafalka, hase yeeshee faragelintii Itoobiya kadib dilal qorsheysan oo lala beegsado indhaha bulshada "elite" ayaa Somaaliya ku batay, waxaana si isi-soo taraysa loo bartilmaameedsanayaa dadka qof kastoo gacanta ku haya hawl samafal oo bulshada waxtar u leh.

=Wa-Billaahi Towfiiq= WQ: Cabdulqaadir Aroma

Qaranka online

 
                        © 2006 QARANKA.COM| Design by Ali E H Naleeye