| Qaranka online Bogga hore/Home |
Somali links | Suugaanta | Somali Album | xiriir/contact |
Iska Jir! Iska Jir! Iska Jir Halista Somaliya oo Ku Sugan Halis!
The Qaranka online
![]() ![]() Cabdikarim Axmed Xuseen Dunida meel dagaal sokeeye ka dhacay oo Somaliya ka dagaalwade (warlord) badan lama arag. Dalka Afghanistan markey ugu badnaayeen waxay gaadheen afar. Liberiya waxay ahaan jireen saddex. Libnaan waxay lahaan jirtay shan. Somaliya waxay ku dhawdhawyihiin soddon dagaalwade. Dadku ma aha kuwo sidii liinta ama canbaha geedo ka baxa oo markiibaa booskooda la buuxin karo. Maanta xagee loo raadin dadkii tirada badnaa ee Saraakiisha, Culimada, Aqoonyahadanad, Dhakhaatiirta, Ardayda, Pirifisoorada, iyo wax walba ahaa ama aqoonta lahaa ee ku wada naf waayay dagaaladi sokeeye iyo xasuuqan imika socda. Imisa qof ayuu Cabdullahi Yuusuf u xiiray? Imisa qof ayaa la gawracay? Somaliya maanta waa, dal aan jirin oo burburay, dal aan dadkiisu dhexjoogin oo dunida ku kala firdhay, dal aan dawladnimo ka jirin, dal wax ala wuxuu qarankiisu iska lahaa qalab iyo hub milletery, Boolis iyo Asluub maanta kala firdhay oo ay ku jiro gacanta Mooryaan, qabiilo, qawlaystayaal iyo burcad. Somaliya waa dal aasaas kasta oo bulsho, dawladnimo, xafiis, sharci, xadaaro iyo wax walba xitaa xusuus dhawridii xiddada loo rujiyay. Waa dal dadkiisi gobollada dhex inta laga soo waalay oo loogu soo sheekeeyay kaalaya midkoo Hawiye ah aan soo furanaynaa guryahoodi, kuwaas oo maanta Xamar Mooryaan ku dhex ah oo wax ay bililiqaystaan, kufsadaan iyo xasuuqan mooye aan wax kale u joogin. Bal dhibka jira Soomaaliya waa dad aan waxba is dhaamin oo dhulka wada jiifa ayaa sidii mukulaalihii is wada cawryaya oo is wada xasdaya iyagoo xaarka wada qasanaya. Meesha wax dad ah oo jooga ma uu jiro. Dadku waa dad sidii niyada iyo dunta looga dilayay dhintay! dhintay! oo aan inaba lahayn wax dadnimo, damiir, mabd'a iyo wadaninimo toona. Somaliya ninka iswaydiiya waxa ay la burburtay iyo waxa ay tan iyo maanta xaarka ugu dhex jirto iyo waxa dalal shisheeye loo macaansanayo oo jinsiyado dalal kale loo hanqal taagayo, war meeshu waa meel dad la' oo dadkeedi baa iska noqday dad baaba' ah. Somaliya Wasiiradeedi iyo siyaasigeedi ruug cadaaga ahaa ayanu aragnay oo sidii gu' jir wada xaarka qasanaya. Goormaa Somaliya lagu caawin jiray qaxooti ku dhaw afar malyan, ninkii Siyaad Barre ahaa markii ugu horaysay wuxuu qaxootiyeeyay Soomaalidii Gobolada Itoobiya, wuxu hadana qaxootiyeeyay Woqooyigii oo uu waliba sawaariiq la dhacay. Wuxuu ugu danbayntii qaxootiyeeyay Koonfur. Markii ku xigtayna isagii ayaaba qaxooti noqday oo u baxsaday Nigeriya. Cabdullahi Yuusufna maanta wuxuu qaxooti aan la qiyaasi karin ka dhigay Koonfur, Gobollada dhexe iyo meel walba oo Somaliya ka mid ah, xitaa isaga ayaa qaxooti ku ah Somaliya oo waliba Villa Somaliya ayuu qaxooti ku yahay. Maanta Soomaalo dhan waa qaxooti. Kacaanki Siyad Barre ka hor, qofka Soomaaliga ah ee aad dibed ama qurbe ku aragto waxay u badnaan jirtay inuu qofkaasi ahaado Isaaq, Warsangali iyo Dhulbahante. Maanta qabiil Soomaaliyeed oo aan dadkiisu dibad joogin ma uu jiro. Halkaasna waxa ka dhacday sinaan iyo cadaalad. Waxaa maanta bulaacad qarmuun ku dhex jira magacii guud ee loo dhashay ee Soomaaliga ahaa oo loo baahanyahay in dibada looga soo saaro bulaacada uu ka dhex qaylinayo, waxa loo baahanyahay in magacii Soomaliyeed dib loo hirgaliyo. Waxay aniga ila tahay hadii guriga aad ku jirto uu noqdo mid qadhmuun lala gali waayo, sariirta aad ku jiifto oo aad barafuun ku shubto ineysan wax faa'ido ah kuu lahayn. Waa in la jiheeyo dhalinyarada tacliinta leh, waliba inta dhalaalaysa ee aqoonta leh. Iska dhaaf Dunidan oo dhan oo dhafoorada haysta oo la yaaban dadka Soomaaliyeed waxa ay ka samaysan yihiin, ee anagaa xitaa yaaban oo waxaanu la yaabanahay dadkan sidii diirta wax walba fiiqanaya ama sidii hamaadaygii wax walba leefaya meesha ay ku jireen shalay ee ay ku qarsoonaayeen iyo dadka noocas ah ee aanu aragnay sida aanu isku dad iyo dalba u nahay. Hadaad qaad ka dharagto oo aad mirqaanto oo arrimo cajaa,ib ah aad ku fakarto - sow subaxnimada dambe inaad sugto ma aha inta uu waagu kaaga baryayo oo aad mirqaan jabayso. Si ay kuugu kala cadaadato daarahaad is kor saartay ee darruuraha aad gaadhsiisay waxa ka xaqiiqo ah iyo waxa ka khayaal ah. Sababtoo ah imisaa la arkay mid mirqaankii faraha badnaa daaro ku dhistay oo subaxnimadii dambe soo toosay isagoo ka soo toosay jawaan uu ku hurday makhaayadii Maka-al-mukarama ee Xamar ku tiilay. Waxaa ayaan darro ah in maanta qarankii Soomaaliyeed oo xabaal ku jira la isku kor qabsado anaa maamulaya iyo anaa xukumaya, hadda waa qaran xabaal ku jira waxa saa la isugu haystaa! Maanta dalkeeni wuxuu gaadhay heer in sidii mukulaalo tiro badan oo hal cad oo hilib ah dhex yaalo oo wada eeganayo midba mida kale saan qaadkeeda iyo xarakadeeda si aysan midina mida kale cadkaasi hilibka ah uga hoos qaadin. Waa arrin ay cid walbaa maanta iyo beriba is waydiinayso sababta dhiigu u joogsan la,ayahay! Muddadii uu dagaalka iyo waalidu socotay waxyaalaha la is waydiinayay waxay ahayd: sababta loo burburiyay taalooyinkii qaranka? Sababta loo bililiqaystay xafiisyadii dawlada? Sababta loo burburiyay dhismayaashii? Sababta jiingadihii iyo tuubooyinkii loo wada siibtay? Sababta loo fiiqday warshadahii? Huteeladii? Tukaamadii? Bakhaaradii? Guryihii dadku iska lahaa? Hay,adahii? Safaaradihii iyo dhamaan mashaaricdii? Waxaa ayaan darro ah in maanta kumanaan qof oo Soomaali ah ay saaqidnimadoodu gaadhsiisan tahay sidii daanyeerkii in la fiirfiirsado dhismayaasha dhaadheer ee Yurub, Amerikada Koonfureed iyo dalalka kale ku yaala oo nidaamyada fiican ka jiraan, in maanta meelahaas la dugsado! Qofka wali wax aan jirin kusii madax adeegayaw adlee waaye! Hadaad dabada ku dhaganaato baabur aan dhaqaaqayn oo waa hore baaba,ay oo barkiisa ciida ku jiro adiga ayaa ka kow ah inta uu waqtigu ka lumayo. Maantaba 18 sanaa ayaa kasoo wareegtay markii la bilaabay cuqdado iyo hawo waalan oo aan jirin oo la i sku akhriyay oo Somaliya lagu burburiyay, halaag wax aan ahayn oo laga hayana ma ay jirto.
Xamar Yaa Iska Leh? Dadka Soomaaliyeed ee Abgaalka ah oo iska ahaa xoolo dhaqato, ayaa waxa dhacday in ay maalinba maalinta ka danbaysa inta kasoo reer magaalowda ay soo degi jireen magaalada Xamar, dhismayaasha magaalada laga samaystay, qof dhisme iibsaday ama dhistay ama qof dhul la siiyay oo dhistay, qabiilka Abgaal cid ay Soomaali kaga dhisme badnaayeen ma aysan jirin. Hadaad Burco kasoo guurtay oo caruurtaada u rabtay macalin caruurta qur'aanka bara waxay noqonaysay inkastoo la heli karo kuwo Gobollada kale ka yimid, haddana waxay u badnayd inuu macalinkaasi noqdo Abgaal. Hadaad u baahato dhagax, caws, carro, caano, xoolo, hilib, nuurad, waardiye, biyo dhaamiye (biyoole) iyo wax ala waxyaalaha yaryar ee ay dad magaalo jooga u baahdaanba waxay noqotay iney iyagu noqdaan kuwa laga iibsado oo ka faa'ida. Soomaalidu waxay tiraah : Dhari qofkii u dhaw ayaa laf kala baxa ama intifaaciisa iska leh. Haddaba, magaalana hadba cidda agagaarkeeda degan ayaa noqota kuwa ku intifaaca. Abgaalku iyagu waxayba ahaayeen dad dhinac nolasha la mid ah qabiilada kale ee Soomaaliyeed ee xoola dhaqatada ah oo dad Ilaahay xoolo iyo wax walba siiyey ayeey ahaayeen. Agagaarka Xamar iney xoolahoodaas ku raacdaan mooye, maal kale oo magaalo dad iska lahaan jiray ama lagu aqoon jiray ma aysan ahayn. Magaalo madaxdii ummadda Soomaaliyeed ee Muqdisho waxay ahayd, meel wax ala waxay ummad Soomaaliyeed maal lahayd oo qofkasta magaaladiisi ama gobolkiisi ku dhisi karay la yimid, oo ay ku dhisantay. Muqdisho waxay ahayd caasimad Soomaaliyeed. Laakin hadii la isa sii baarbaaro waxa la oran karaa waxaa magaaladaas iska leh Abgaal. Abgaalkuna cid ala cid ay ka xigsan karaan ma ay jirto, waayo ummadda Soomaaliyeed ayaa wada jir u leh. Magacan 'Muqdisho' wuxuu soo shaac baxay intii u dhaxaysay 1960-2000, gaar ahaan intii uu macanlinkii Siyaad Barre dalka ka talinayay.
Wa,ayo Midka Aad Hogaamiye Ka Dhigateen? Ninkaasi miyuusan ka midka ahayn kuwii malaayiinta doolarka ah kala soo cararay ummadda Soomaaliyeed? Ninkaasi miyuusan ahayn ninka cadawga dalkiisa lasoo saftay ee maanta Soomaali oo dhan gacanta u galiyay Amxaar? Miyuusan marka ku jirin inta ka mas'uulka ah dhibaatada iyo burburka ka dhacay Somaliya? Marka qof hogaamiye loo dooranayo goorma sifaha iyo qiimeynta ay ka mid noqon jirtay ku ibtilowga xatooyada xoolaha ummadda? Arrimahaasi soowtey ahaan jireen waxyaalo dadka siyaasiyiinta ah saxareeyay oo aysan suurta galin in qofka noocaas ah wax xil ah lagu aamino. Goormaa tuugeysigu noqday arrin la isku jeclaado oo waliba munaasabad la isugu dhiibo? Cabdullahi Yuusuf goormuu wafdi hogaamintii shaqo ku lahaa? Goormuu xil Soomaaliyeed soo qabtay? Dhamaan xilalkii uu soo qabtay kamay ahayn Soomaalinimo ee waxay ka ahayd Amxaarnimo, tuugaysi, bulsho nacayb, qabiil ka aargoosasho iyo nuhnuhlayn lagu yaqaano dadka uu kasoo jeedo? Maalka xaaranta ah ee uu maanta ninkaasi kala gadiyayo soow maalkaagi, maalkaygi iyi maalki ummadda Soomaaliyeed ma aha? Soomaaliyeey ninka aad hogaamiye u doorateen sow ma aha ninka sidaas u taariikhda madow leh? Sidee ayaa hogaamin loogu dooran karaa nin taariikhdiisu sidaas u madowdahay? Wixii loo ordayay, jabhadayntii, dhiigi la daadiyay, xasuuqa shacabka, orodkii iyo hungunkii la samaynayay dhamaantood malaha waxay ahaayeen oo kaliya sida muuqata danaysi, qabyaalad, iyo tuugeysi. Dalku miyuusan ahayn daalkaagi Cabdullahiyow? Ummadda Soomaaliyeed waxay raadinaysaa waa hogaamiye cadaalad wax ku maamula, taariikh nadiif ah leh, qiirada Soomaalinimo ku jirto ,oo ka damqanaya geerida dul saaran maanta shacabka Soomaaliyeed. Somali wuxuu Ilaahay 21 sano ugu dhiibay nin jaahil ah, kii markuu ka tagayna mid kasii daran oo manexe kasii axmaqsan ah, waxa uu haddana mar saddexaad gacanta u galiyay mid waa hore faaruq iska noqday dhinac walba maskax ahaan, tala ahaan, siyaasa ahaan iyo caafimaad ahaanba kharaf iyo daasad madhan ka noqday. Haddaba Cabdullahi Yuusuf maanta waa nin da, ah oo aan ka yarayn Fidel Castro. Soomaalidu waxay tiraah : Geeriyi hadey ku deyso, gabow baan ku deyn. Waxaaba marka dhici karta inuusan muddo dheerba inala sii joogin Korneylku. Waxaana haboon inuu isaguna ummada Soomaaliyeed cafis waydiisto ummadduna iska cafiso haduu geesinimadaas la yimaado. Cabdullahi Yuusuf waa nin kasoo jeeda ciidan iyo hab milletary oo Soomaaliyana waa ay aragtay hab milletary waxa uu yahay, dib u jeeso, laba kaclayn, hob jac, dhabar jabin, kala qalajin, figeyn, amar qaado, dib haso eegin, amar diido, toogasho, tiir geyn, u tuuto gashasho, laba gadoon, godka ku rid, is qaniinsii, gacmo goyn iyo wax ala wixii ibtilo ah ee Ilaahay dunidan aynu ku kor noolnahay dhigay. Akhristayaasha qaayaha leh waxaan ogaysiinaya in aan soo wado, qoraal aan ugu magac daray- Somaliya, oo U Gacan Gashay Islaamiyiin, Qabiilo, Qawlaystayaal Iyo Burcad Badeed?
Abdikarim Ahmed Huseen
Qaranka online
|