Qaranka online
Bogga hore/Home
Somali links Suugaanta Somali Album xiriir/contact

UJEEDADA SHIRKA NAIROBI GUDINTA DAABKEEDU YUU NOQON DOONAA?

The Qaranka online
G/le Sare Omer Suleiman Ali
21 Oct. 08

Waxaan ummadda Soomaaliyeed uga digayaa in ay ku sirmaan waxa kasta oo ka soo baxa shirqoolka lagu maleegayo Nairobi. Waxaa suurto gal ah in dadka dega gobolada Itoobiya ku soo duushay, Abdisanaawi Yuusufna ugu yahay daabkii gudinta ay nacayb ay u qabaan dartiis ay ku farxaan in la eryo, hase yeeshee ay gef aan laga soo kaban doonin ku dhacaan iyaga oo ogolaanaya ruux ay u arkaan in uu beel ahaan xigo iyaga uu Itoobiya u noqdo daabkii gudinta.

Walaalkaa kula beel ah iyo shesheeyey Itoobiya u noqda daabkii guduntu kumma kala sokeeyaan. Waxaan ka digayaa Nuur Cadde, Ahmed Abdisalaan iyo kooxdii Isbahaysiga ka fallaagawday ee Jabuuti, kuwaas oo hadda u wada ah daabkii gudinta Itoobiya in aad u aragtiin ubadkiinii hadalada macaan in ay idink naxayaan, markii aad wax ka yeeshiin sidii caadada u ahayd dhihi doona Itoobiya xaq ayay u lee dahay in ay is daafacdo, weliba xishood daradooda iyada oo Itoobiya ku jirto dalka gudihiisa oo ay si gar darro ah ku qabsatay kuna xasuuqday ummaddii Soomaaliyeed, labadaas hadal oo aanay suurto gal ahayn in isku af ka soo yeedhaan.

Si aydaan u sirmin waxaa la idinku baraarujinayaa in wixii nala baday ee nagalu siray hadda ka hor ay noo noqdaan darsi lama illoobaan ah.

Marka ha illoobina taariikhdii la soo maray iyo waxyaabihii dibin daabyo iyo shirqool naloo maleegay oo dhammaan danta laga lahaa ahaayeen laba:
• Dagaal guud oo Islaamka gaalo kula jirto.
• • In Soomaaliya loo burburiyo si Itoobiya ku hesho nabad iyo ammaan, iyada oo bahweynta gaaladu isku waajib yeeshay in ay difaacaan jasiiradda masiixiyadda ah ee ku dhex taal badweynta Islaamka.

Miyaad illoowdeen.
o In ilaa iyo boqortooyadii Rom la daafacayey Itoobiya,
o In ay ka mid ahayd lagana qayb geliyey gumaysigii Afrika lagu kala qaybsaday
o In aanay ka qayb qaadan xornima doonkii Afrika
o In ay ilaa hadda diiddan tahay in ay xornimo siiso ummadihii ay saamiga u heshay in ay gumaysato hase yeeshee Yurubtii kale xoraysay kuwoodii.
o In jabkii Ahmed Gurey u geystay Bortques ka badbaadiyey
o In dagaaladii 77 ay ku jabtay hase yeeshee reer bari badbaadiyey reer galbeedna raalli ku ahaa in la badbaadiyo
o In dawladaha aan muslimka ahayn ee dhibaato ku dhacdo si degdeg ah loogu gurmado si niyad ahna loo badbaadiyo (Kenya, Burundi, Zimbabwe iyo kuwo kale oo fara badan)
o Soomaaliyana UN ayaa taariikhda markii ugu horraysay ansixisay in lagu qaado duullaan gardarro ah.
o Dagaalka Buush adduunka ka wado in lid ku yahay Islaamka waa shaki ka bax
o Dawlad kasta oo Isbahaysiga maamulkiisu la kulmo waxay dhahaan haddii Itoobiya la saaro waxaa soo laabanaya Maxaakiimtii iyo shariicaddii Islaamka mana aqbali karno.
o Ma og tahay shirkii Emmarald Express 98 lagu guddoonshay in Soomaaliya loo kala jejebiyo 5 dawladood oo is neceb si aanay 77kii ka dib dawlad Soomaaliyeed khatar u gelin jiritaanka Itoobiya.
o Mase og tahay in Emmarald Express 03 lagu go’aanshay in Soomaaliya iyo dawlado kale oo ka mid ab bariga Afrika la isku raacay in ay hoos yimaaddaan Itoobiya

Marka intaas oo shirqool ah kuwii ka baday ummadda Soomaaliyeed ayaa haddan maro kale noo huwanaya, iyaga oo doonaya in ay tabcaddii ugu dambaysay la helaan. Haddaba shirka Nairobi waa shir loo abaabulayo in shirqoolkii hore ee Embagathi ee socon waayey dib mar labaad Embigathi kale oo muddo cusub oo dhawr sano ah Itoobiya ku sii haysa dhulka Soomaaliya waxaase la beddelayaa daabkii gudinta oo kala jabay, waxaana lagu beddeli doonaa kuwa dagaalku ku socdo qaar ka dhashay. Waxaad ka digayaa in Soomaalida lagu beer laxawsado:
o Maxaa Haweye oo keliya loo laynayaa iyada oo daarood iyo Isaaqba ay Itoobiya la noolaadeen. Taas oo loola jeedo joojiya dagaalka jihaadka iyo dib u xoraynta ah, sidaasna Itoobiya dalka ku siiya
o Gaalo ma ogol shariico Islaam ah ee dib ayaynu ka qaadan doonna ee hadda naga dhaafa, dibna sida hadda laguugu diiddan yahay ayaan laguugu ogolayn.
o Adduunka gaalo ayaa xukunta xoogna uma ahaynno ee aynu isu dhiibbo, gaalnimona ku noolaannno. Ruuxii aan Alle caabudin waxaan uga jeedaa aan Alle
u hoggaansamin waxaan uga jeedaa aan Alle u noqon addoon waxaan uga jeedaa aan ku dhaqmin shariicadda Islaamka ma aha muslin, ee waa gaal ama munaafaq ka sii xun.
o In wiil idinla dhashay been idinka beer laxawsado iyo waan idiin naxayaa oo been ah.

Qaranka online

 
                        © 2006 QARANKA.COM| Design by Ali E H Naleeye