Qaranka. com
Bogga hore/Home
Somali links Suugaanta Somali Album xiriir/contact
Shaakir Max’ed C/llaahi
XASIL LA’AANTA IYO SAL-FUDEYDKA SOOMAALIDA

Maahmaah Soomaaliyeed baa leh ‘Geela gal ee garoor ka keen.’ Taa oo macanheedu yahay inaanay suuro gal ahayn xerada geela ood gashaa deeta soo maashaa ood kala soo noqotaa caano garoor ah. Waxay kaloo maahmaahdu tuseysaa sida ay mustaxiilka u tahay hawl waqti badan u baahan ina aan lagu soo gabagabayn karin in yar. Maqaalkaygaan,waxaan rabaa in aan wax yar ka tilmaamo sida dhaqan ahaan Soomaalida uga duwan tahay ummadaha kale dhanka,samirka,adkeysiga iyo dulqaadka. Dadkeenna kuma ceebeysna in aanay u dul yeelan karin dhibaha,balse waxaa lagu xantaa in ay yihiin dad aan hawl joogteyn karin in mudda ah.

Waa dad is beddelka iyo wax kastoo cusub jecel,feejignaantoodune yar tahay. Waa shacab waxa soo socdaa aan oddorosi aqoon oo arrimaha guudka uun ka eega hadba hirkii muuqdana dusha ka fuula. Max’ed Xaashi Dhamac Gaariye oo tilmaamaya sida qofka Soomaaliga uu u damman yahay oo u digtooni yar yahay baa yiri:

Deggenaanna uma dhalan, Dubbaha igu soo maqan, Lagu sii dareemo, Jeer daqarku igu dhaco, Kama sii digniin helo.

Tilmaamahaasi dadkeenna in badan yaa laga helaa, haddaan runta lasyka indha saabayn.

Macallinkeygii taariikhda dugsiga sare yaan beri weydiiyay waxa ugu wacan dadkeenna xammaasadda talax tagtay. “ Juqraafi ahaan deegaanka aynu ku nool nahay iyo dabeecadda nolosha ayaa in badan loo aaneyn karaa sida dhaqankeennu yahay.” Yuu iigu war celiyay. Dadka qaar baa xitaa dhaha ‘hilibka geela cuniddiisa ayaa madax adaygga iyo salfudeydak inoo leh.’ Sabab kasta ha lahaato waxaase laysku raacsan yahay in Soomaalidu tahay ummad wixii cusubba yu’ata oo indhahoodu madaxa ku yaalliin.

Cidina ma karto in caano dhay ah garoor u rogto ilbiriqsiyo guduhood. Sidaa oo kale nolosha waxaad doonto kama samaysan kartid ; balse waxa ay leedahay xeerar iyo qawaaniin la raaco, ciddii ka weecatana ay weydaaraneyso oo aynaan yoolkeedii gaarayn. Tusaalooyin badan yaynu heli karraa haddaan u baahanno caddaynta arrintaa. Madaxweynayasha, culimda diinta iyo maaddiga, macallimiinta caanka ah, iyo qof walba oo dunidan magac ku leh beri bay ilmo yari ahaan jireen oo naaska hooyadood jaqa.

Haa.. ilma yar oo la daaddihiyo dhabtana la saaro. Maalin iyo habeen qura kuma aynaan gaarin heerka ay tageen. Qof kasta waa la mid oo maalin buu carruur ahaa, marxalado kala duwanna soo maray illaa uu ka soo hanaqaaday oo uu qof weyni noqday. Maalinna wey imman doontaa uu alleysto ciiddana laga sara mariyo. Haddii wax walba oo nagu hareereysan ay il biriqsi iyo daqiiqado ku samaysi lahaayeen; waa hubaal innagune waan kari lahayn in hawl walbaahi aan waqti yar ku qabanno. Bal u fiirso walaal geedaha, nagaarka, xayawaanak, xasharaadka iyo san-ku neefla kasta; mid walba goonnidiis yuu jaangooye soocan ku nool yahay. Heerar yuu maraa….Adduunkoo dhammina waa saas.

Eeebbaha wax walba kara yaa cirarka iyo dhulalka ku abuuray 6 maalmood. Wuu karay Alle in uu yiraa ‘ahaada’ deedna ay ahaadaan. Balse ilma Aadan yaa wax la barayay. Dunida mucjisooyinka kuma badna..gaar ahaan waxa dadaku sammeeyo, wax walbaahi nidaam iyo waqti bey u baahan yihiin. Had iyo jeerna waxaa muhiim ah samirka iyo dulqaadka. Waxaa la yiraahdaa dadka galbeedka iyo dhulalka qabow ku nooli wey ka dul badan yihiin kuwa dhulkoodu cadceedda hodan ka tahay. Ma xusuusantihiin Tomi Adison, ninkii nalka ifa sameeyay? Immiso jeer yuu tijaabadiisii ku hungoobay oo u meel mari weysay? Waa 999…! Sida taariikhdu sheegto. Bal ka warrama tirada intaa la eg…?!

Inta badan dadku waxay daalaan marka ay guusha u dhowyihiin. Oraah Carbeed baa leh ‘samirku waa saacad.’ Nin geesi ahaa oo la oran jiray Cantara Bin Shaddaad yaa beri ay nin kale ku tartameen koodii adkeysi badan. Mid walba kan kale fartiisa yuu qaniinay. Cabbaar markii nin walbe is giijiyay yaa Cantara saaxiibkii cabaaday oo qeyliyay. Cantara wuxuu yiri ‘Wallaahi haddaadan qeyli lahayn,anigaa kaa hor caban lahaa.’ Ma argtay sida samirku iyo guusha isugu dhawyihiin?

Taariikhda ayaa duruus badan laga helaa si loo sii miigganaado marka dhib timmaado. Adduunyada ayaa leh abuur iyo dhaqamo caan ah,mar walba oo aad fahantaana,nolosha si xasilan yaad ugu ladaysaa. Berigii Nebi Muxammad (NNKH) isaga iyo saaxiibbadiis lagu dhibaateyn jiray Maka,oo ay tirada yaraayeen,yaa maalin Nebiga oo hoos fadhiya Kacbada waxaa u yimi Saxaabi ka mid ahaa dadkii laga xoogga badnaa oo silica Qureysh qaati ka taagan. Wuxuu yiri ‘Nebi Allow ma waadan Eebbe gargaar noo weydiineyn?’ Nebigana wuxuu ugu jawaabay hadal macnihuusa yahay ‘taariikhda akhriya’ oo wuxuu yiri “Dadkii idinka horreeyay waa la kadeedi jiray oo la silcin jiray,illaa midkood loo yimaado isagaoo tukanaya oo miinshaar laba loogu kala dhigo;taana diintooda kama aynaan saari jirin…”

Weligeed yay ummaduhu kufi jiren oo jabi jireen,balse waa laga kabsan jiray. Waxaana muhiim ah in la ogaado ummad burburtay ama dib u dhacday,soo kabsashadeeda iyo hor-u-markeeda waqti iyo hawl bay u baahan tahay,habeen iyo maalin gudahoodna cirka kuma marto. Cumriga ummadahana laguma qiyaaso kan dadka. Dhibaatada ugu badan oo dadkeenna haysataahi waa ayagoon noloshii dhab u fahmin. Isha libiq sigeeda ilmo kuma dhashaan…Soomaalida oo dib u dhalataa iyo guud ahaan ummadda Islaamka oo booskeedii soo ceshataa waa arrin u baahan hawl iyo shaqo weyn.

Waxaa la qumman qof walba oo Soomaali ah in uu gacan iyo tageero ka geysto sidii dib loogu ammaamudi lahaa dadkeenna. Waxa muhiim ka ihi waa ‘dadka’ , dadku hadduu hagaago ayagaa dalka dhisaya. Cidina kuuma dhisi karto qof nool…Shiine iyo wixii la mid ah, kaliya daaro uunbey kuu taagi karaan; balse dadkaada ood wax bartaa, barbaarisaa, caqligooda soohdaa waa hawl adiga kuu taalla. Cidna kaama xigsanayso.

Waxaan hadalkayga ku soo koobayaa in la samro lana dhabar adaygo,dulqaadna la yeesho tawaawacana la joojiyo, oo la shaqeeyo. Qof walbow karaankaa qabo..qof walbow madaxaaga mayrax ku duubo..adiga wax is tar qof nool oo jira noqo ka dibna dadka ku xiga ama kuu dhow wax tar. Mar walbana inta xooggaaga la eg yahay uunbaad wax taraysaa. Qof walba oo malaynaya in dhakhsi iyo bud-la-roornimo guul lagu taabbo gelin karo,waad khaldantaheye dib u feker caqligana u garsoor doono.


4 April 09 Shaakir Max’ed C/llaahi, Shaakir7@hotmail.com
XASIL LA’AANTA IYO SAL-FUDEYDKA SOOMAALIDA

Contact Qaranka.com Email: ahassannn@yahoo.com

 
                        © 2006 QARANKA.COM| Design by Ali E H Naleeye