Qaranka online
Bogga hore/Home
Somali links Suugaanta Somali Album xiriir/contact

ITIXAAD MA CADAWGA ITOOBIYAA MISE WAA SAAXIIBKA ITOOBIYA. -Qaybta 1aad-

The Qaranka online

Xigasho: Hamarey.com
13 Dec. 08

- Taariikhdu waa kaydka ugu qaalisan ee aadanah ee qofku uu ka dheehan karo dhacdooyin hore iyo raadreebkii isbadallada waayaha aduunka ay sameeyeen , Si wax walba uu ugu kala cadaado oo dad badanina ayna ugu dagmin sawir muuqaalkiisa kaduwan ayaa waxaan lamahuraan u arkay in aan iftiimiyo aqoonta iyo waaya aragnimada aan uleeyahay Ururka dabar go'ay ee Alitixaad ee hadhaagoodii labaxay (MWSLF),iyadoo xubnaha ururkani quwado shisheeye ay raad goobayeen wakhti dheer ayaa dad badan oo xoog ogaal u ahi waxa ay ka gaabsadeen in ay qeexaan ujeedo la'aanta xubnaha ururkaas,maadaana oo uu cadaw ku raad joogo in laqariyo oo aan marna sharaxaad laga bixinin xaaladooda dhabta iyo mawqifkooda.

Marka hore Ururkan waxa uu wadanka Ogaadeenya yimid sanadku markuu ahaa bishii 10 aad ee 1991 kii,waxaana watay Tigreega oo ay u ahaayeen hub ay kula dagaalamayaan ururka ONLF,dadkii Ogaadeenya markii ay diideen in ururkan xafiisyo laga siiyo magaalooyinka, ayay Tigreegu qasab ugu fureen xafiisyo,sida magaalada Dhagaxbuur markay Itixaadku imaanayeen waxa ay saarnaayen baabuur Tigree oo qolaba dhinac kasii jeeday,mamulkii dagmada oo ka dhaga adaygay in loo furo xafiisna waxa ay Tigreegu gacantooda ugu fureen xafiis,waxayna maamulkii iyo dadkiib ugu hanjabeen in cidii six xun ula dhjaqanta ay talaabo ka qaadi doonaan.

Sikastaba ha ahaayee fadhiisinka ururka Alitixaad oo ahaa Halooye ayaa waxa ay Tigreegu weerareen 15 kii August 1992kii,digniino badan oo shacabku uga digay in ay cadawgu duulaan kusoo yahayna mayna meeshii ka qaadin oo markaas khasaaro aad ubadani kazoo gaadhay.

Dad badan ayaa waxa ay iswaydiiyaan maxay dadka Ogaadeenya utaageeri waayeen ururkaas,hadaan taas jawaabo kooban kabixiyo,dadka Ogaadeenya oo ahaa dad muslin ah oo caan ku ah kudhaganaanta diinta islaamka,ayaa waxaa lagu dhex tuuray dareen dhiillo ah kaasoo tibaaxaya in muslinimadoodii wax si kayihiin,inkasta oo ay jireen waxyaabo badan oo culuunta diinta ah oo dadka Soomaalida ah oo dhan ka dhinnaa hadana si aan ixtiraam lahayn ayaa dad aan khibrad badan lahayn oo ururkaas ahi waxa ay bulshada horteeda ku jaa'ifeeyeen hogaamiyayaashii diinta,waxaa buuq galay masaajidadii oo ururkan kahor ayna dadku isku qabsan jirin wax jago ah oo ku saabsan masaajidada,waxaa gaalnimo lagu tilmaamay in badn oo ka biyo diiday sida uu ururkani wax uwado.

Waxa ugu wayn ee dadku ay ku taageeri waayeen ururka Alitixaad waxaa kamid ahaa

§ laga bilaabo markii ururkaas uu dagaalkiisu bilawday 1992 kii illaa maanta oo kolba kooxi magac sheganayso waxa ay wadaan olole ay dadka ugu caayayaan ururka ONLF,maadaama uu ururku sheeganayay in uu dagaal kula jiro Itoobiya waxa ay dadku ka sugayaan in ugu horayn ay wax ka sheegaan cadawga Itoobiya,laakiin waxa ay caadaysten in iyagoo aan soo hadal qaadin cadawga in ay ku bilaabaan ONLF,halka taas Ururka ONLF uuna waligii dadka usheegin xumaan kusaabsan Itixaadka,bal e markay dadku wax ka waydiiyaan ururkaas waxa ay uun usheegayeen in yihiin in ay yihiin dad walaaladood ah oo cadawga dagaal kula jira.

§ Waxaan wali kujirnaa waxyaalaha ay dadku utaageeri waayeen ururka Alitixaad e,waxa ay dadku ku wareereen hadafka iyo yoolka Atiixaadka oo illaa iyo hadda ayna cidina qeexi Karin mesha uu ujeedo iyo meeesh uu kajeedo,waayo si qofku uu garto dadkana ufahmaan jihada uu usocdo waxaa lama huraan ah in wax uxadaysan yihiin,dhan waxa ay sheeganyaan in ay xoraynayaan Ogaadeenya,dhanna talaabada ay qaadayaani way ka duwan tahay midaas,waayo masaajidada ay maalin layl uga ducaynayaan Falastiin iyo kashmiir oo mudan in loo duceeyo,lagama yaabo in qalbigooda ay marna kusoo hoyato in ay mar uun u duceeyan dadkooda magacay dooni ha ugu duceeyaane.

Sanadkii 1992kii markii ururka Alitixaad iyo maleeshiyadii Puntland uu dagaal ku dhex maray Boosaaso Itixaadkii Ogaadeenya joogay badankood iyo gawaadhidii dagaalka waxa ay ugu gurmadeen Itixaadkooda Boosaaso halkaas oo rag badani kaga dhinteen,hase ahaa markii dagaalkii dhamaaday ee ay qoladii Ogaadeenya ka tagtay damceen in ay kunoqdaan meeshii ay kazoo boqooleen ayaa loo diiday in ay noqdaan oo loosoo jeediyay in marka hore gaalada af Soomaaliga ku hadlaysa laga xoreeyo Bari,markii laysku mari waayayna waxaa lagala hadhay wixii Tigtiko dagaal ahaa ee ay kala tageen Ogaadeenya,halkaas oo khilaaf xoogan oo deegaanada kusaabsani ku kala dhex yimid.

Laga bilaabo 1992 kii illaa hadda waan aqaanay Itixaadka waligayna ma arkin nin Itixaad ah oo yaqaana jihada uu usocdo,qof walibana waxa uu ujeedadiisa kuugu fasiri siduu doono,ugu horayntii magacoodu waxa uu ahaa (Al Itixaadul islaam Fii Ogaden), hadana sanadihii 1994kiina illaa 1996 kii waxa uu magocoodu ahaa (Al Iixaadul islaam fii Soomaali Qarbi) qaar kamid ah hadhaagoodiina oo kusugnaa Xamarna 1998 kii waxa ay labexeen (UWSLF),waxa ayna dad badani markhaati kayihiin in rag Itixaad horay u ahaan jiray ay xagjirnimadii lagashay in ay noqdaan Takfiir oo ay dadkoo dhan gaalo u arkaan hadii aad Asalaamu calykum dhahdana kuugu jawaabi nabad,kolba waxbay taageeraan mana laha jara-kujoogto ay ku ilaashadaan yool ay leeyihiin.

Dadka Ogaadeenya oo ah dad diinta aad ujecel ayaa waxay in badan oo kamid ahi ku dagmeen wax aan sal lahayn,Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaan (Sagaaro bad ku kakadiday neceeda ayay ku tustay) taas waxaan uga jeedaa mar hadii awoodaadu tahay mida duurka ku galisay ee aad ku qabsan wayday magaalooyinkaagii waxaad ku qasban tahay in cadwgaagu kuu koobnaado oo kuwo badn oo gaalo ah aad heshiis la ahaato si aad uga nabad gasho sharkooda, waana talaabo qaadideeda Nabiga lagaga dayan karo,hase ahaatee taas lidigeed ayay Itixaadku sameeyeen waxa ay cadeeyeen in ay cadaw kuyihiin quwadihii waawaynaa ee aduunka,waxa ay bilaa sabab ku dileen dad ajnabi ah oo samafal ah,haweenay samafal ah oo dhafoorka xabbad lagaga dhuftay faa'iidadeeda iyo khasaareheeda waa mid ayna marna swaydinin.

Illaa iyo hadda qaab dhaqanka Alitixaad iyo Alshabaab oo iyguna ah uun Itixadkii Ogaadeenya ee halkaas kazoo baxay weerarkii luuq iyo gedo ee 1996kii ayaa qaabka ay ciidamadoodu udhaqmaan waxa ay aad isugu dhaw yihiin qaabkii maleeshiyooyinkii ay wadan jireen qaqablyaashii dagaalku udhaqmi jireen,waayo illaa iyo hadda majiro shakhsi dilkiisa ay guddi ka go'aan gaadhay ee askari kasta go'aanka uu qaadano dil iyo daynba waa jeebkiisa.

Hadaba markii ururka Alitixaad uu khilalafku soo dhex galay ayaa qolo walba waxa ay ugo'aan qaadatay si gooni ah,waxaa gabaabsiyay dhaqaalihii fawdada ahaa ee carabta lagaga soo qaadayay siyaabaha kala duwan,xaalkii wuu kululaaday Itoobiya ayaa hawlgaldii sii adkaysay,waxay Tigreegu weerareen xarumihii Itixaadka ee Soomaliya ee kuyaalay Luu iyo Baladxaawo,nin masuuliinta Itixaadka kamid ahaa ayaa dagaalkii luuq si lama filaaln ah uraacay Itoobiyaanka oo ay jaajuusnimadiisii cadaatay,arimahaas oo dhani waxa ay sii dadajiyeen dabargu'ii Itixaadka,waxa ayna kazoo insaxaabeen wadanka Ogaadeenya .

Hadaba sanadkuu markuu ahaa 1999 kii masuuliintii Itixaadka ee Nairobi waxa ay xoogga saareen sidii Itoobiya usaamixi lahayd ee ay ugu sheegi lahaayeen in ay ka tanaasuleen jabhadnimadoodii ,waxa ayna uqaybsameen sadex qaybood.

v Qaar badan oo safka hore ee masaajidka six ka ee islii kutukada waxa ay isku shubeen safaaradda Itoobiya ee Kenya,waxa ayna safiirka Itoobiya ee Kenya uqirteen in ay khaldameen oo ay usoo noqdeen dawladooda,waxaana iyaga iyo safaaradda Itoobiya udhexeeyay nin qofkii ubaahata aan magiciisa usheegi doono.

v Qaar kale waxa ay aadeen nin Soomaali ah oo kamid ah saraakiisha Itoobiya oo xiligaas ku sugnaa magaalada Kismaanyo kaasoo ay ka rabeen in uu ugu ceelalyoodo Itoobiya oo oo uu wax qiil ah uga soo raadiyo dawladda Itoobiya.

v Qaar kale waxa ay Nairobi ka dirsadeen nin oday ah oo kamid ah odayaasha beesha ee xiligaas ku sunaa magaalada Nairobi,odaygaasi waxa uu isagoo ergo Itixaad ah isu maray magaalada Godey iyoMagaalad Jigjiga oo uu kula kulmay Khadar Macallin Cali oo isagu xiligaas xukumay Kililka,waxa ayna khaddar isla meel dhigeen sidii ururka EPRDF ee xukuma Itoobiya looga dhaadhicin lahaa in lacafiyo masuuliinta Itixaadka ee ka tanaasulay mucaaradaddii ay uhayeen Itoobiya isla markaana ay noqdaan kuwo lacafiyo,masuuliin kililka ah iyo Ninkii ergada ahaa ee ka tagay Nairobi ayaa Jigjiga uga bilaabo waxa ay xidhiidh toos h la lahaayeen Kilika,waxayna xilaas bilaabeen odhasii gudbay magaalada Addisaba si raalli ahaansho looga hello Malase,ma hubo in uu Khadar raacay laakiin masuuliin kililka ahi iyo ninkii way tageen Addisababa.

Hadaba xiligaas laga bilaabo waxa ay ku xidhnaayen masuuliinta kilika,waxa ayna bilaabeen hadallo ay ku beer laxarsanayaan Tigreega ay ku qoomamaysan yihiin talaabadii ay qaadeen,odhaahaha aan laqarin Karin ee meel kasta ay la taagnaayeen waxaa kamid ahaa:-

§ Qoladan Tigrega ah waynu afgarn waynay ee way inoo hiiliyeen oo waxbay inala damceen,inagaa wax laqabsan waynay.

§ Aad bay umacnasan yihin Tigreegu ee inaga ayaa jecel in aan si laablakac ah aan duurka ugalno.

§ Qoladanadii duurka gashay waxaa banana in nala toogto waayo waxaan sal lahyn ayaan dadkii ku dagaal galinay.

§ In aan xukuumadan laheshiino oo ciyaalka wax barno ayaa inoo quman oo aynu noqoto dad ilbax ah.

§ Itoobiyadii aynu inagu naqaanay dhaqankeeda iyo luuqadeeda ayay Soomaalidii kale inoo daba mareen oo ay inagu dileen waxay ahayd in aan inagu wax ku dilno

Hadaladaas iyo kuwo badan oo kale oo noocaas ah ayay meel kasta oo ay istaagaan kasheegi jireen,Maahmaah ay ku maahmaahaan dadka Banaadiriga ah ayaa waxa ay ahayd (Kaligaa waalo wareer waaye halagula waashana wanaag waaye) mar hadii ay fashilmeen si iyaga dabadood uusan dab kale usii shidnaanin waxa ay nooc kale ubadleen dagaalkii ay kula jireen ONLF,noocyada ay dagaalkoodii ubadaleena waxaa kamid ah:-

* Dhamaantood waxa ay cidhiidhsadeen odayaal qabiileednimo waxa ayna dagaalkoodii si qabiil ah ugu wajeheen ONLF,iyagoo markaas fikirkoodii ka qubaystay oo loo yaqaano hogaamiyayaal qabiil ayay halkaas kula dagaalameen jabhadda.

* Waxa ay gacanta ku dhigeen masaajidadii iyo madaaristii, dadka waxa ay baraan iyo waxa ay ku wacdiyaana waxa uuahaa naca ONLF iyagoo sawir kahald ah ka muujinaya ONLF iyo ujeedadeeda,waxaan xusuustaa sanadkii 2006 kii ayaa wiil madriso wax ka dhiganayay xaafadda islii ayaa macallinkoodii sawirkii khaldanaa ee uu ka bixinayay ONLF waxa uu kusoo daray in uu yidhaaahdo Maxamed Cumar Cismaan waligii ma tukanin oo mar uu tagay Garigoana waa laga caydhiyay,wiilku xog fiican arintan kama uusan haynn waxa uu ku qasbanaaday in uu raadiyo wax arintaas xog ogaal u ah oo uu ka araysto,sidaas ayuuna noogu waramay, isagoo xogdoon ah,mar hadii la ogaa dagaalka dadban ee ay kula jiraan ONLF waa uun la qoslay halkiina lagma qaadin ee loogu soo koobay wiilkii Waa dagaalkii Itixaadka ee waji la'aanta ahaa.

* Si dadka looga wiswis galiyo taageerada halgankooga ayaa waxa ay xoogga saareen sidii ay uga leexin lahaayen wadiiqaha saxda ah,waxa ay buunbuuniyeen in cadawga Ogadeenku uusan ahayn Itoobiya ee uu yahay Soomaalida aan dariska nahay iyagoo usoo daliishada tusaalooyin si quman uwiswis galin kara shakhsiga aan xaqiiqada ogayn,(Itoobiya in aan laheshiino ayay ahayd oo aan Soomaalida iska celinno,intaan Itoobiya kusii jeednaya ayaa dhulkanagii laqaatay marka waa in aan Soomaalida iska celino) ayuu nin Itixaad soo ahaan jiray igula dooday,markaasaan ku idhi (diintii aad sheeganayseen iyo Kalimatullaahi hiyal-culyaadii ma waxay taagan tahay in aad u ololaysan in aad laysaan muslin ashahaadanaya?).

Sanadba sanadka ka dambeeya waxaa sii xoogaysanayay ceebaha ay ka sheegayaan Jabhadda ONLF oo runtii kazoo talowday xiliyo aad u adag waxa ayna geed walba ufuuleen sidii ay uyaryn lahaayeen taageerayaasha ONLF,iyagoo meel walba la taagan in Itoobiya laga gardaran yahay oo ayna jirin sabab loo mucaarado ayaa waxaa magaalada musdisho lawareegy Midawgii Maxaakiimta 15 kii June 2006,kuwaas oo TV yada laga daawaday iyagoo cumaamad guduudan madaxa kuwada qaba,isla maalinkaas waxaa safafka hore e masajidada meelo badan is xidhay cumaamad guduudan oo u aeg midii ay wateen Midawgii Maxaakiimtu, xiligaas waxaa aad uyaraadayItoobiyadii loo xaglinayay ee fagaaro kasta laga sheekaynayay in ay gar leedahay,waxaa ku xigtay iyadoo lasheegsheego magaca MJXSG,waxaa bilalabatay wakhti yar kadib ONLF waxa ay ku biirtay Ashahaado ladirirkii,Waligeed waxa ay ONLF la dagaalantaa Itoobiya ee Ma Itoobiyaa Ashahaado noqotay.

Markii Midawgii maxaakiitu ay koonfurta Soomaaliy qabsadeen ayaa waxa is abaabulay koox tiro yar oo wadata magicii Itixaad lagu badalay ee MJXSG,kuwaaas oo ku xinqooqayMidawgii maxaakiimta ee wakhtiga yar kula wareegay dhulalka badan,waana kuwa hadda looga maara la'yahay dagaalka ee kolba qolo hor leh oo aan jid iyo jaho toona lahayn wadanka soo galinaysa,

Part2 - ITIXAAD MA CADAWGA ITOOBIYAA MISE WAA SAAXIIBKA ITOOBIYA. ITIXAAD MA CADAWGA ITOOBIYAA MISE WAA SAAXIIBKA ITOOBIYA. -Qaybta 2aad-

Qaybtan labaad waxaan ku eegayaa in aan kala iftiimiyo waxyaabaha iskaga dhex yaacsan dadka ee magacyada faraha badan wata,kuwaas oo kala ah,Alshabaab,Kaambooniyiin,Salafiya jadiidiya,MJXSG,Al-ictisaamiyo kuwo kale oo badan,waxaa kale oo aan qeexaynaa sababaha ay Itixaadku magacyada badashay ONLF ugu sheegaan shahaado ladirir.

Intaas oo dhan kahorse waxaan rabaa sii dhamaystiro waxyaalaha lagu ogaan karo in Itixaadku ayna ahayn cadawga Itoobiya ee ay yihiin Nasteexa Itoobiya,dawladda Itoobiya ee uu talada uhayo Malase laga soo bilaabo 1992 kii ilaha dhaqaalada ee ugu wayn ee Itoobiya waxaa kamid ahaa Ladagaalanka Itixaadka oo ahaa wax ay aad ujeclaayeen in wadanka Ogaadenya lagu sheegsheego,laga bilaabo markii uu dhacay dagaalkii Luuq illaa iyo sanadkii 1999 kii markii uu yaraaday sheegitaankii Itixaadka ee Wadanka Ogaadenya waxaa gabaabsiyay dhaqaalihii badnaa ee Itoobiya lasiin jiray,waxay Itoobiya saaxiibadeedii kiristaanka ahaa si toos ah ugu sheegeen in ayna hadda jirin khatar Itixaad oo wadanka kajirta.

Laga bilaabo 1999 kii ilaa iyo 2006 kii dhamaan Itixaadka waxaa ay la isaga ilaalin jiray sida jaajuusiinta la isaga ilaaliyo,sababahan soo socda awgood:-

* Mar hadii ay dadka hortooda uga sheekeeyaan sida dabaqoodhiyadu uga sheekeeyaan ee ah in Itoobiya dambigeeda iyo gabood falka ay ku hayso shcabka dusha laga saaro muwaadhiniinta ciiddoodii lagu ihaanaystay,waxa ay dadku qaateen in ay noqdeen dabaqoodhi ka xariifsan kii horay loo yaqaanay. * Madaxda Kilika uga wakiilka ah Tigreega iswaydiin malaha in ay yihiin dambiilayaal dadka dhiigoodu uusan marna ka qalalin shaarubtooda,sidaas daraadeed hadii Cabdi Ileey iyo Lugbuur ay dalka Dibadiisa ugu baxaan shakhsiyaadka soo dhaweeya ee aan marna ka diiqadoonin waa Itixaad,waliba si isku xidhan oo ay isla wada ogyihiin ayay isugu hambalyeeyaan in Hebel oo Kililka kayimid uu kusoo fool leeyahay,taasina waxa ay dadka siwayn ugu xaqiijisay in nimankani ay yihiin saaxiib horleh oo cadawgu yeeshay.

Midawgii Maxkamadaha Islaanka markii ay qabsadeen Muqdisho ilaa intii xukukoodu sii faafayay waxay ka madax banaanaayeen katala qaadasho Itixaad,laakiin (Awliyana dad u eki bay kugu dishaa Abeesana dhul u ekiya),nimankan oo meel kasta si hubsasho l'aan ah ugala ayaa markiiba lugaha lagalay waxna kuyeesheen taladii Maxkamadaha,waxayna markiiba jeebka kala soo beeen siyaasd xumidii lagu yiqaanay oo ay markiiba saxaafadda kasheeen in qabsanayaan illaa iyo Addis Ababa,( ma cadaab allaa lagu mudan lahaa hadii la isku dayo in aan cadwga loo sii digin,oo laqarsado qorshayaasha mustaqbalka?).

Bal ufiirso Sheekh Shariif oo ah hogaamiyihii ugu siyaasisanaa intii ay Soomaaliya burbursanayd halkeebay maanta ka taagan yihiin maxayse ka aaminsan yihiin?,heerka dambi ee ay gaadhsiinayaan Shabaabka iyo Itixaadkuse mayahay ruux in lagaadhsiiyo mudan,waa hubaal in ay Midawgii maxkamaduhu kuwareereen jid iyo jaho la'aanta Al Itixaad,sidaas daaraadeedna ay uqaateen go'aan kasta oo lagu samata bixin karo shacabka,qaarkoodna waxayna ku qireen in sheikh shariif uu ku biiran Ashahaado ladirirka!.

Shakhsigu in uu ka fakaro wax walba oo bilaw ah oo uu suii odoroso meesha uu ku dambayn doono inta uusan ku biirin ama uusan taageerin waa talaabo shkhsiga waxqabadka ahi uu qaado,laakiin kolba wax cusub in sidii baalalayda loogu dhoco waa midda Itixaad halkaas dhigtay,maanta waxaad arki iyagoo hawl qabiil horwada oo laba qlo isku jabinaya,barrina waxaad arki isagoo mixraamka saaran oo dadkii wacdiyaya,markaasuu ruuxu aad ugu wareeri qofkan meesha loo raaci karo,waa nakhshad ay kasiman yihiin,way jiraan rag wax ka dhab ahaayeen oo diinta iyo wadaniyaduba kujirtay laakiin waxaa qariyay bilaashxaytayaal aan raandiis lahyn.

Dhamaan dhulalka Soomaaliyeed waxaa kajiray magac Itixaad oo lahaa ujeedooyin iska hor imanayay,inkasta oo ay isku yaraha xidhnaayeen horaantii shaqaashameeyadii ayay hadana ujeedooyinkoodu si quman ukala leexdeen, qolo walbana wax umbay dabakhatay,hadaba waxaa marba isasoo tarayay magacyada ka farcamay Itixaadka,Alshabaab iyo al Ixtisaam waxa ay magacyadan labexeen sanadkii 2006 kii,waxayna ka koobnaayeen Itixadkii kasoo baxay Ogaadeenya iyo Kii Soomaaliya,magacanina waa uun magac wax cusub laga dhigayay ujeedooyin ay leeyihiin oo ay rabaan in ay fulaan.

Salafiya jadiidiya:-magacanina waxa uu baxay sanadihii 1997kii -2000 kii waana qolo kasii farcantay itixaadka,Kaanbooniyiin:-magacani waxa uu baxay sandkan 2008 ka ah,waana labaxay Itixaadkii Jubooyinka joogay mesha uu saldhigoodu ahaana isku magacaabay.

Hadaba akhristoow hadaad ku wareertay magacyadan badan waxaan kugu dajin maadaama oo uu Geeska Afrika ka fashilmay wixii la odhan jiray Itixaad waa nakhshad kale iyo waji kale oo uun la rabo in lagu wado wareerkii Itixaadka usocon waayay.

Hadaan marka usoo dago hadalada ay aadka ugu hadaaqaan Itixaadiyiintu ee ah ONLF waxa ay ku biirtay ashhaado ladirirka,ugu horayn marka eraygaasi uu dhagtaada kusoo dhoco waxaad gali digtooni xoog leh oo aad ugu diyargaroobayso in aad hubsato cidda la dagaalamaysa diintii rabbi,waxaadna marka labaad iswaydiin ruuxa hadalkaas ku dhawaaqay waa ruux ilaalinaya diinta ee bal isna hubso in uu yahay ruux karun sheegaya waxa uu ku dhawaaqay,taas waxaan uga jeedo qof waliba wuu daremi karaa.

ONLF waxa ay dagaal adag kula jirtaa gumayste guunka ah oo kamid ah wadamada ugu da'da wayn caalamka,lehna saaxiibo iyo tol badan,taasi markay sidaas tahay waxa ay qaadatay in cadawgeedu maanta ahaado gumaysiga Itoobiya ee ihaanaystay dadka Ogadeenya iyo diintoodaba oo kaliya isla markaana heshiis lala ahaado kuwa kale ee Itoobiya ay saaxiibada yihiin,si looga nabad galo wayeelo kabadan caawinta ay Itoobiya caawiyaan,(Waraabe ur moog iyo rag dareen moogba wadkooda hotood bay dhintaane) maxaa ilaahay caqliga iiga qaaday oo aan hal hadal ugu abuuran kun cadaw?. Hadaba akhristoow ONLF waaAshahaado ladirirka aad maqashay macneheeda dhabta ahi waa , Maxay ONLF col ula noqon wayday wadamada aduunka oodhan oo ay heshiis ula tahay,midada kale hadii nin Itixaad ahi uu dhagax ku turunturoodo waxaa laga yaabaa in uu kuyidhaahdo waxaa turunturootay ashahaadadii waa Yaab!,ONLF waligeed wax looma yedhinin waxayna waligeed ka madax banaan tahay faragalin shisheeye,barnaamijkeeda siyaasiga ahna waa midayna ka qalalin in ONLF ayna soo dhawaynaynin kaalmo kasta oo shuruud kuxidhan,aynanna ogolayn in go'aanka masiirka umadeeda cidi kula shirkowdo

ONLF waliageed mayna qaadanin go'aan ay Itixaad ku waxyeelaynayso iyo mid ay cid Soomaali ama muslin ahba wax ugu dhimayso,waxaa hubaal ah hadii ONLF ay qaadato ga'aanka ay sheegayaan ee ah in Itixaadka ladbar gooyo ayna kasii jireen Geeska Africa.

Gabagbadii waxaan inta akhristaha sharafta le usheegyaa in ayna marna walaac galinin waxa ay hufkinayaan kuwo waji culimo leh,beentu waa dunuubta ugu waawayn hadana xagooda waxay uhayaan qiil ee yayna adiga ku dambaajiin.

Waxaan ka gaabsaday dhacdooyin run ahaa oo aan anigu goob-joog u ahaa oo ay Itixaadku sameyeen in aan soo bandhigo,waxaana ila qurux badnaaatay in aan badh qariyo,laakiin wakhti wakhtiyad kamid ah waan soo dhigi doonaa dhacdiiyinkii iyo Raggii Itixaadka ahaa ee kulug lahaaba.

Wabillaahi tawfiiq-

Hamarey

Qaranka online

 
                        © 2006 QARANKA.COM| Design by Ali E H Naleeye