| Qaranka. com Bogga hore/Home |
Somali links | Suugaanta | Muqdishu video | xiriir/contact |
|
Khadro C/waaxid
Xubno Dembi QARAN Galay oo Xildhibaanno Noqday Baarlamaanka Djibouti
Inkastoo aysan Soomaalida wax ku cusub ahayn in dad danbi ka galay dad iyo dalkaba lugu abaalmariyo, haddana dadka Soomaliyeed qaarkood ayaa la ahayd in hadda laga waaayo arkay xisbaab la’aantaas sababta u noqotay in wadanku uusan dhibaato ka bixi muddo 20 ah.
Bishii Janaayo 2007, Calanka Soomaaliya ayaa mas’uuliyiintii Ururkii Maxaakiinta Isalaamiga oo uu Guddoomiye ahaa Sh. Shariif Sh. Axmed waxay ku gubeen meel fagaare ah, iyagoo ku badalay Calan Madow. Madaxdii MMI ee goobta Calanka Soomaaliya lugu gubayeey joogtay waxaa kamid aha Sh. Xasan Turki iyo M. Islaan (M Madoobe), oo dadkii u sheegay in Calanka Soomaaliya uusan lahayn wax micne ah. Sh. X. Turki iyo M. Madoobe, waxay madax ka haayeen MMI ee gobollada Jubooyinka.
Maalmo kadib gubitaanka Calanka, ayaa Ilaalladii Max’ed Islaan (Max’ed Madoobe), waxay xasuuqeen dhaawac yaalay Isbitaalka Bu’aale. Xuquuda Bani Aadamka,dhaqankii hore ee Soomaalidu midna ma ogolla in dad mukaan ah la laayo ama Isbitaal la gallo.
Dhacdooyinkaas fooshaxun kadib, dhamaadkii Bishii Jan. 2007, waxaa magaalada Kismaayo ka dhacay KACDOON shacab oo looga soo horjeeday tacadiyada ay samaynayeen MMI, oo markii horeba la layaabanaa sababta ay Kismaayo u tageen madaama ay ahayd meel nabad ah Itoobiyana aysan joogin. Arrintaas Television-ka ALJZEERA qaybta Carabiga ayaa weydiisay Sh. Shariif Sh. Axmed, su’aal ku saabsanyd sababta Kacdoonka Kismaayo. Wuxuuna ku jawaabay “dadka kacdoonka wada waa “haraadigii” Siyaad Bare, oo doonaya boobkii ay u barteen. Hadii ay ka waantoobi waayaan kacdoonka tilaabo adag ayaan ka qaadi doonaa”
Muddo kadib, ayaa Sh. Shariif iyo Max’ed Madoobe, midba mar diyaaradaha qumaadiga u kaca ee Mareykanku ka soo qaadeen dhulka Howdka ah ee gobolka Jubada Hoose. Sh. Shariif waxaa la geeyay Nairobi halka Max’ed Madoobe la geeyay magaalada Addis Sababa halkaas oo uu muddo dheer hotel ka deganaa. Intaas waxa dheer M. Islaan wuxuu Seedi u yahay Sh. Xasan Turki, oo loo hayo eedo waaweyn.
Arrinta kale ee la yaabka ahi waxay tahay, ururkii MMI, wuxuu diiday in uu la heshiiyo DFKG iyadoo aysan Itoobiya Muqdisho tagin, haddana waxay la heshiiyeen xilli Muqdisho la dumiyeey shackii ku noolaana ay noqdeen wax dhintay iyo wax qaxay. Eedaha iyo dhaliilaha ay leeyihiin ma’ahan intan oo kaliya ee way badanyihiin., hadii loo baahdana waxaad ka heli kartaa e-mail-ka hoos ku qoran.
Hadda Sh. Shariif Sh. Axmed, wuxuu u sharaxanyahay xilka Madaxweynenimo ee dalka Soomaaliya. Max’ed Islaan (Max’ed Madoobe) waa xildhibaan!! Labadan nin iyo kuwo kale oo badan midna cudurdaar kama bixin denbiyada ay ka galleen ummdda Soomaaliyeed iyo xuquuqda Bani Aadamka.
Sida wax u socdaan iyo waxyaabihii soo dhacay markaad isku darsato waxaa kuu soo baxaya in shirka Jabuuti wal-wal weyn leeyahay.
Si kataba ha ahaatee, ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaynaa in aysan xil u dhiiban shaqsiyaad loo haysto denbi QARAN.
Khadro C/waaxid
,
Khadro2000@hotmail.com
Xubno Dembi QARAN Galay oo Xildhibaanno Noqday Baarlamaanka Djibouti
Contact Qaranka.com Email: ahassannn@yahoo.com |