Qaranka online
Bogga hore/Home
Somali links Suugaanta Somali Album xiriir/contact

Doorashada Obama sidee siyaasada Mareeykanka ee Soomaaliya wax uga badalidoontaa?

The Qaranka online
Ali E H Naleeye, Qaranka editor
email: ahassannn@yahoo.com
10 June 08


U.S. Presidential Candidate Obama
gashan dharka dhaqanka soomaalida

Madaxweynaha Mareeykanka u Sharaxane (The United States Presidential Candidate) Barack Obama ama ha guuleeysto tartanka Madxweynimada Mareeykanka ama ha ku guul dareeysto, dhinac walbay u dhacdo doorashada Mareeykanka Bisha November ee 4 bilood nooga hartay, Siyaasada Mareeykanka ee Soomaaliya wax weyn baa iska badalidoona, qaasatan marka doorashado soo dhawaato iyo markeey doorashadu dhacdaba.


Obama & hooyo & gabar isku hooyoyihin
& Adeer muslima Indonesia la jooga madaama
kolki aabe hooyo furay Kenyana ku laabtay-Reuters
Obama Madaxweynaha Mareeykanka u Sharaxane wuxuu ku dhashay Gobolka Hawaai, wuxuuna taclintiisa hose wax ku bartay Dalka Indonesia. Taas waxay u ogalaanaysa inuu yaqaan sida Muslimka loola dhaqmo (understanding different culture) maadaama dhibaatada ugu weyn ee maanta Mareeykanka haysata ay tahay colaada ka aloosan isaga iyo Muslimka. Waxaa la yiri markii Bush Madaxweyne loo dooranayay wuxuu garawaayay magaca dalal Afrikaan ah. Taasu waxa ay dhib u keentay sida Mareeykanku u hogaami lahaa Caalamka.

Waligoodba markii Mareeykanku kaligiis qalad weyn Dunida ka galo dhaqsiyo bay isku saxaan si ay ku sii haystaan hogaaminta caalamka. Dagaalkii ViYetnam markii ay halaagmeen oo arkeen in ay 60,000 askari kaga dhimatay, kumanaan kalana maxaaabiis looga qabsaday (oo u ku jiray ninka lagu wado in uu noqdo Madaxweynaha cusub ee Mareeykanka bisha Novembar ee soo socota Madaxweynaha Mareeykanka u Sharaxane -The United States Presidential Candidate John McCain) Madaxweynihii London B. Johnson oo xukunka ka dhaxlay xiligaas kadib Markii OSWALD Dallas Texas ku toogtay John Fitzegerald Kennedy, uu dagaalka ku qaldanaa.


Dugsigi Indnesia Obama dhigajiray
-Reuters
Xiligaas MAADAAMA CAALAMKU AAD IYO AAD UGA WALWALSANAA oo DAGAALKA VIETNAM ka socday oo 6 milyan Viyetnamees ku dhimatay HADALKA JIMMY CARTER WEY SOO DHAWEEYEEN. In kastoo ay la yaab tahay oo Dunida Mareeykanka dagaalka Viyetnam awgeed ku nacday hadana doorashada JIMMY CARTER xiriirkii wacann ee Dunidu Mareeykanka la lahayd oo dhumay xiligii dagaalka Viyetnaam, dhaqsiyaba kalsoonidii Caalamku wey soo ceshedeen..

Xataa markii Richard Nixon oo xisbiga dagaalka dunida ka kacsha (Republican Party) ee Bush kasoo jeedo uu doorashaddii Madaxw. uga gguuleeystay London B. Johnson. Nixon Dagaalkii Viyetnaam wuu joojiyay sababtoo ahayd dhaqaalaha iyo magaca Mareeykanka oo hoos u dhacay awgeed. Hadda kolka John McCain guuleeysto sida lagu wado oo la cunsuriyeeydoono Obama oo laga yaabo in ay Mareeykanku u helaan cilad uu doorashada ku guuleeysan ama CIA ama Red-Necks oo madowga neceb baa qarsoodi ku dilidoona kabacdina waa lawaayay ruuxii dilay bay dhihi doonaan, Dagaalada Ciraaq iyo Soomaaliya faraha buu Mareeykanku ka xalandoonaa. Afgaanistaana siyaasada Containement Policy buu ku wadidonnaa taasoo macneheedu yahay UN-ka iyo Naato buu ka codsadoonaa in ay cadaalad ku xaliayaan dagaalka uu ku guuldareeystay ee Afgaanistaan.

` Waxaa xasuus mudan Madaxweynaha London B. Johnson in xiligii Dagaalkii Viyetnaam sida aad masawirkwaan aad ku aragtaan u Aqalka Cas ee Mareeykanku u ku martiqaaday RW Soomaaliya Marxuum Ibraahim Cigaal mindhaa si uu ugu cadaadiyo Soomaaliya in ay ka joojiso Maraakiibta Viyetnaam oo badaha dunida ku mari jirtay Calanka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahatee, Labo Sabab ayeey ku dhacday in wiil 46 jir ah oo aabihii Kenya ka yimid oo waliba 2 sano kaliya ku jiray Baarlamaanka Mareeykanka, oo waliba ah ninkii madoobaa ee ugu horeeyay oo ka mid noqda Aqalka Senetka, loogu dooranayo Madaxweenaha Mareeykanka :

Laakiin intanan u guda galin 2-dan arrimood ayaa waxaa dhacday maalin anigoo 1995 ka qaadanaya jaamicadda fasal 202-Sociolagy baa macalimadii iyadoo sharaxaysa cashar Anthropology sabuurada ku qortay in Aadanaha ka koobmo 3 qeeybood: Coucasas (Cadaan), Negaroos iyo Shiinees. Markaan gacanta taagay oo weydiiyay macalimadii halka Carabta lagu sifeeyo si sahala inteey ii eegtay bay tiri: “ dadka Daamanka waa weyn sida aad ku aragtid Carabta waxay galaan guruubka Neegaroos Science-ka uu ku magacaabo”.

Mudaddii 15-ka sano ee Bush iyo aabihiis ay ahaayeen Madaxweyne dalka Mareeykanka waxeey dagaalo ka kiciyeen Afrika iyo dhulalka ku teexan Afrika sida Jaziirada Carabta iyo Afgaanistaan.

Dagaaladaas Mareeykanku kiciyay Kii ugu weeynaa oo in ku dhow 2 Milyan shacab Negaroos lagu dilay wuxuu ahaa kii CIA ka kiciyeen 1988-89 dalka Congo ayagoo sir doonka CIA hub iyo lacag siisay Madaxw/ha Musseveni ee Uganda si uu ugu duulo Congo xukunkana uga tuuro Madaxweynihii Congo oo lagu magacaabi jiray Mr.Laurence Kabiila oo waqtigaa si aan caad saarnayn Reer Galbeedka ku yiri kheeyraadka Congo shacabka Congo oo muddo dheer dagaal burburiyay baan gacanta u galinayaa oo Madaxweynihii hore ee Congo Sesse Seko dawladaha Reer Galbeedka lacag yar oo uu Baananka Swisska ku qarsado uga iibsa jiray .

International Rescue Committee ayaa hadalkan ka qortay dagaalkaas: “Mortality Report” during the two years 1998-99 Ugandan and Rwandan invasion in the Congo Democratic Republic 1.7 million Congolese people died from combat, hunger and diseases and that none of the deaths would have occurred if Uganda would not have invaded Congo”.

Artiikalkaana waxaa 22 May 08, Soomaaliya ka qortay The Media Lens, U.K.,

"Since 1996 the US has engaged in a continual "low-intensity" war in Somalia that has killed a million of that country's inhabitants, a death toll second only to the Congo during that time. Another million Somalis are homeless, refugees from the fighting. In the US, news of happenings in Somalia is scarce and often misleading. It's worth noting that Somalia sits upon an untapped lake of oil, and has significant uranium deposits as well, making it in the US interest to prevent any viable national government not under its control from coming to power."

Sidoo kale marka laysku daro inta Mareeykanku ku dilay labadii dagaal ee Bush iyo aabihiis Ciraaq ku qaadeen iyo midka Afgaanistaan iyo kan ay si qarsoodiya uga kiciyeen Sudan Darfur , Algeria, Siera Leone, Liberiya iwm. Waxaa lagu qiyaasikaraa in Mareeykanku ku dilay ku dhawaad 10 Milyan oo Negaroos ah ama dadka Afrika iyo hareeraheeda ku nool.

15-sanoo ay Xukunka Mareeykanka hayeen Bush iyo aabihiis Duq-Bush markeey rabaan iney dal baabiyaan inteey Shir Caalami iskugu yeeraan oo sababo beena CIA noo sameey yiraahdaan bay Caalamka ku yiraahdaan DAL HEBEL OO TERORISTIYAAL XARIIR LA LEH HADII AANAN XOOG ISKAGA QABAN INTA GOORI GOORTAHAY NOLASHA CAALAMKA QATAR BAY GALAYSAA! Nasiib daro, maanta waxa soo if baxaysa in 10-ka milyan ee shacabka Afrikaanka iyo kuwa dariskooda ee Mareeykanku laayay ineey kor u dhaaftay 6-dii milyan ee la yiri Hitleer Yahuuda buu ka dilay. Iyo Stalin 6-dii milyan ee la yiri Chechniya buu ka dilay.

Xisbiga Dimoqaraadka ee u ogalaaday in Obama loo sharaxo Madaxweyne Mareeykan waxeey arkeen in Xisbiga Republican ee Bush iyo aabihii ka soo jeedaan ay ku laayeen shacabka Afrika iyo dadka dariska la ah Afrika oo aan hub ay isku difaacaan haysan oo waliba aan Mareeykanka waxba u dhimin-IYOGOO ISTICMAALAYA MAGACA, DHAQAALAHA IYO QUWADA MILATARI EE SHACABKA MAREEYKANKU LEEYAHAY.

Arintan Xisbiga Dimoqoraadka aad buu uga carooday-maxaa yeelay 90 percent Madowga asageey taageeraan.

Dib haddii loo fiirsho labadii jeer ee Bill Clinton la doortay madowgu Black Americans 90 percent waxay u codeeyeen Clinton.

Doorashada Baraak Obama ma Magdhow Mareeykanku u siiyaa Xad gudubkii uu Qaarada Afrika iyo jasiiradaha ku dhagan uu ugu xad gudbaa?

Doorashada Baraak Obama ma Magdhow Mareeykanku u siiyaa dadkii lagu qiyaasay 10-ka milyan -AMERICA AFRICA SLAVE TRADE - NEGROOS OO AFRIKA SIDII XOOLO DIBADDA LOO DHOOFINAYO UU AMERIKA UGU IIBGEEYAA?

Xisbiga Dimoqoraadka si Shacabaka Mareeyknka u joojiyo dagaalada iyo dhibka uu dawladoodu ku hayso Afrika nin Black Americana bay soo sharaxdeen. Xasuusnaaw in sababta kowaad ee Obama lagu doortay waxay noqotay Hillary Clinton oo xiligii Baarlamaanka Mareeykanku u codeeynayay Dagaalkii Ciraaq bay u codeeysay si Bush Ciraaq ugu duulo.

Arinta labaad ee Obama lagu doortay waxay tahay Black Americans oo Daroogadu ku sii fideeyso anfacaadkooduna uu sidaas ku siiyaraannayo. Maanta dalka Mareeykanka Shaqada ugu weyn ee Dalka gudahiisa laga abuuro ama ka socota waxay noqotay DHISMAHA CUSUB EE GURYAHA MAXAABIISTA iyo qalabaynta alaabaha la xiriira Amniga gudaha Mareeykanka oo ay maamusho wasaarada cusub HOMELAND SECURITY.

Hadaba inkastoo shacabka Mareeykanku ku dhowyahay 400 Milyan oo Madowguna yahay 12 percent, hadana 90 percent MAXAABIISTA Mareeykanka waa madow (Black Americans) . Mar ninkii Xabis galana sida sharcigoodu yahay shaqo fiican ma heli karo xiliga doorashadaba ma codeeykaro. Markaad dalka Mareeykanka shaqo ka weydiisanaysid suaasha kowaad ee lagu weydiinayo waa waliga xabis ma gashay.?

Madaama 90 percent Madowgu ku tirsanyihiin Xisbiga Dimoqoraadka si rajo loogu soo celiyo looguna dhiiri galiyo ineey DAROOGADA ka dheeraadaan waxna u bartaan (Capital Investment) Obama baa loo sharaxay.

Maanta badanaa shacabka Mareeykanku wuxuu rumeeysanyahay haddii Hillary Clinton aysan si fudud u xifaalayseen Obama iney doorashada uga guuleeysa lahayd.

Fahma hadii uusan Xisbiga Dimoqaraadka samantabixin Madowga daroogada si baaxad leh ugu fiday, madaama Xisbiga Dimoqiraadja 90 percent Modow ku dhisan yahay taageeradiisa haduusan samanta bixin madowga jiritaankiisa baa qatar galaysa oo xiliyada doorashada buu dad u codeeya weynayaa.

HADABA DAGAALKA KA SOCDA SOOMAALIYA iyo Doorashada Obama MAADAAMA MAREEYKANKU U WADO DAGAALKA SOOMAALIYA:

Markii 9/11 dhacday 3-dii ku ilaa 4-tii kun oo ruux oo la yiri weyku geeriyoodeen waxay tiri dawlada Mareeykanka ha la siiyo qoys walba lacag dhan 2 milyan oo doolar.Macnuhu maahan maadaama ay diyaarad Mareeykan gubtay ee waa isla qob weynaan iyo istusin Caalamka.

Gobolka NFD waa Gobolka Soomaalida ee Kenya. Kenyana waa dhulkii Obama aabihiis uu kasoo jeedo. Dunida waxaa Mareeykanka lagu yaqaan ineey aad iskula qob weynyihiin, Madaxweynahooda warkiisa kaas iskaba daa.

Marka waxaa Mareeykanaka DHIB ku noqoneeysa ineey dabka ay ka sii horinayaan Soomaaliya East Afrika dhulka ninka ay Madaxweyne u sharaxdeen aabihii ka soo jeedo.

Hadaba maadaama Dawlada Mareeykanka ay tahay dawlad istusis iyo isla qobweynaan ku nool waxaa laga yaabaa iney ka xishooto in Caalamku arko in Bariga Africa dhulkii Madaxeyne Usharaxanaha Mareeykanka (Democratic Party U.S. Predidential Candidate) Obama waalidkii ku noolyahay ay DAGAAL AAN MACNO LAHAYN KA WADAAN.

Taasu manceheedu waxay tahay in Mareeykanku ay ka saaraan dalka Soomaaliya ciidamada Ethiopia oo ayagu soo galiyeen si uu u damo dagaalka ka aloolsan Afrikada Bari.

Shirka Soomaalida ee U.N.-ka iminka ay ka wado jabuuti Arrimahaan iyo Bush oo 4 bilood kadib xukunka ka dagaya bay la xiriiraan ee ha la ogaado Soomaaliyeey.

Dawladaha Reer Galbeed waxay ka baqayaan hadii uu Bush ka tago in ay weynayaan wax ay Soomaalida ugu hanjabaan si kheeyraadkeeda u boobaan Baddeedana Sunta Niyuukalaarka ugu aasaan. Marka intaanan Bush ka tagin bay isleeyihiin ka dhameeysta kana saxiixda Soomaalida wixii aad ka rabtiin.

Nasiib daro taas wax yar bay Dawladaha Reer Galbeed ka soo daaheen oo Soomaalidu wey ogtahay in 120 casho DAGAALKA BUSH SOOMAALIYA KA WADO KA HARSANTAHAY, HADEEYSAN FUDUDAANA GUUSHA 4 BILOOD UGA DHIMANTAHAY.

Ha hilmaaminaha in marka doorashada Mareeyknaka ay ka harsantahay dhawr bilood Caalamkoo dhan wuxuu aad u xiiseeydoona arrimaha Afrikada Bari ee ah dhulka Obama ka soo jeedo waalidkiis iyo asalkiisuna ka soo jeedaan kuna noolyihiin.

Wixii rayi (raýi) ama talo, waxaad iigu soo hagaajin kartaa E-mailkan. ahassannn@yahoo.com

Qaranka online

 
                        © 2006 QARANKA.COM | Design by Ali E H Naleeye